Xubnihii orodka kaga baxay Muqdisho oo Saciid Deni kula kulmay Garoowe, Sawirada

0
156

Wafdigii orodka kaga baxay Muqdisho markii doorashada Puntland dhamaatay ayaa Magaalada garoowe kula kulmay Madaxweynaha la doortay Saciid Deni, wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana ka mid ah Wafdiga Qunsulkii guud ee Soomaaliya Magaalada Jidah u fadhiyay ee hadda shaqada ka tagay Siyad Maxamud Shire.

Wafdiga Dowladda ayaa u tagay Garoowe sidii Madaxweynaha cusub ugu qanci lahayaan Siyaasadda Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa loo diiday markii hore inay goobjoog ka ahaato doorashada Puntland hase yeeshe markii doorashada dhamaatay ayaa loo fasaxay degaanka inay yimaadan taas oo weji gabax ku ah Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here