GUULDARADA FARMAAJO iyo Farxada Mucaaradka Dowladda guusha Saciid Deni Waxay bilaw u tahay burburka Rajiimka Farmaajo

0
244

Doorashadii maanta ka dhacday Puntland oo Madaxweynimada ku guuleystay Saciid C/llaahi Deni oo Wasiir iskaashiga Caalamiga ka soo noqday Dowladdii Xasan Sh Maxamud ayaa waxay bilaw u tahay baa la leeyahay burburka Maamulka rajiimka hadda xukumo Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kaas oo dadka Soomaaliyed u arkaan inuu yahay maamul ku fashilmay sababihii loo doortay.

Kooxaha Mucaaradka ayaa guusha Saciid Deni u arka hadiyad ilaahay siiyay maanta waxayna farxad ka muujiyan guushaas.

Xildhibaan Mahad Salad oo Golaha Wasiirada Dowladda Xasan Sheekh ka mid ahaayan Saciid Deni ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub.

Halka Axmed Macalin Faqi guushan Saciid Deni ku tilmaamay guul weyn oo umadda Soomaaliyed u soo hooyatay.

Baraha Bulshada ayaa lagu jeex jeexay Dowladda la baxday Nabad iyo Nolol kadib markii lagu dhawaaqay Saciid Deni inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Guuladarada soo gaartay Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka mid ah iyadoo aysan ka qeybgalin doorashada loona diiday inay xubno ka socda dowladda ay tagaan Garoowe iyo Musharixii ay lacagta badan ku bixiyan nabad iyo Nolol oo wareegii koowaad ku haray.

Saciid C/llaahi Deni ayaa helay 35 Cod oo Baarlamaanka Puntland ah, halkii ninkii wareegii ugu dambeeyay la tartamayay Aad Diyaano uu helay 31 Cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here