FADEEXAD:Dowladda Farmaajo oo hadda loo fasaxay Garoowe kadib markii ay doorashada Puntland lagu kala baxay, Wasiiro Dhoofay, Daawo sawirada

0
107

Kadib markii ay soo dhamaatay doorashada Puntland ayaa Xubnaha Dowladda Farmaajo loo fasaxay inay tagi karaan Magaalada Garoowe, waxaana haatan ka dhoofay Muqdisho Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaas oo Garoowe u tagaya keliya inay salaan ka wadaan Rajiimka ku fashilmay inuu siyaasad furan ku hoggaamiyo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha xilka ka degaya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Ka mamnuucay Garoowe Wasiirada iyo howl wadeenada Villa Soomaaliya inta ay doorashada socoto, hase yeeshe markii doorashada dhamaatay ayaa loo fasaxay Dowladda Soomaaliya inay tagaan Magaalada Garoowe.

Wafdiga wasiirada ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda oo ka soo jeeda Puntland kaas oo ku fashilmay inuu tago degaankiisa xilligii ay doorashada ka socotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here