DEG DEG :Madaxweynaha Puntland oo loo doortay Saciid Deni

0
91

Saciid C/llaahi Deni oo horey Wasiir iyo Xildhibaan uga soo noqday Dowladdii Federaalka ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh Maxamud ayaa loo doortay Madaxweynaha Puntland markii 3 aad kaga guuleystay Asad Diyaano oo ahaa nin dhalinyaro ah oo si lama filaan ah ku soo baxay.

Saciid Deni oo helay 35 cod halka Asad helay 31 Cod.

Waxaa uu ku dhashay Saciid Magaalada Muqdisho, waana 52 jir, 2012 kii waxaa uu noqday Xildhibaan Federaalka, kadibna waxaa uu noqday Wasiirka Iskaashiga Caalamiga.

Waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii la tartantay Farmaajo waxaa uu noqday ninkii 5 aad oo ugu codka badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here