Asad iyo Saciid Deni oo wareegii ugu dambeeyay ku tartamaya, Natiijada Wareegii Labaad

0
234

Waxaa soo dhammaaday tirinta codadka wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, iyadoo loolan adag uu dhex maray saddexda musharax ee isugu soo haray, wareegii labaadna ku tartamaayay.

Wareegga labaad waxaa ku loolamay: Siciid Cismaan C/llaahi Deni, Asad C/llaahi iyo Faarax Cali Shire, waxayna natiijadii noqotay:

30 cod oo uu helay Jen. Asad C/llaahi halka Saciiid Deni uu helay 29 cod, waxaana musharax Faarax Cali Shire uu isna helay 7 cod.

Waxaa hadda isku dhegan oo wareegga saddexaad ku tartami doona Siciid Cismaan C/llaahi Deni, Asad C/llaahi oo si lama filaan ay taageero iyo codad u helay, isagoo ah nin da’ yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here