XILDHIBAAN Abdirashid Xidig oo sheegay in dib loo eegi doona Diblomaasiyiinta iyo ajanabiga jooga Muqdisho

0
282

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Xidig ku sheegay “go’aanka lagu cayriyey Haysom wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan ajaaniibta dalka ka howl-gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee”. Tallaabooyinkan ayaa u muuqata in dalka uu maalmaha soo socdaa gali doono dagaal uu la galo hay’adaha taageera dalka. Ciidamada AMISOM, Milatariga Somaliya iyo dhamaan ciidamada kale ee dalka sida Boliiska iyo Nabadsugidda waxaa mushaarooyinkooda bixiya hay’adaha caalamiga.

Haddaba dagaal lagu qaadaa hay’adahaas waxay dalka gelin doontaa siyaasad faquuq ah ama goonijoog ka dhigi karta taas oo xataa ugu dambeynta keeni karta in dalka kala burburo oo Maamul Goboleed kastaaba goonidiisa u raadso inuu la xiriiro dalalka dunida sida ay haddaba Ingiriisku bilaabeen oo wasiirkooda gaashaandhigga uu Hargeysa u tagay isagoon wax fasax ah ka haysan Dowladda Federaalka.

Qoraal Xidig ee facebook hoos ka aqriso.

Bismilaah:

Laga soo bilaabo burburkii Dowladii kacaanka ee Alaha u Naxariistee Gen. Mohamed Siyad Bare hogaanka u Hayey:

Dalka Soomaaliya waxaa isugu yimid Ajaaniib kala Duwan oo magacyo badan wata, dhamaantoodna ku abtirsada Sumado Heyado caalami ah , Dowlado iyo kuwo Samafal oo NGO loo yaqaano
Hadaad si dhab ah u daristo Farsamooyinka iyo xeeladaha ay adeegsadaan shakhsiyaadka ku howl gala magacyada aan kor kusoo sheegay waxaa kuu muuqanaya mushkilada soomaaliya heysata in ka badan 50% inay iyagu abuuraan AMA taageeraan:

Waa hubaal inay jiraan Dowlado iyo Heyado ay dhab ka tahay taageerada Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed waxayna mudan yihin Bogaadin, Balse waxaa suuragal ah in ujeedadaas fiican ay shakhsiyaadka aan kor kusoo sheegay ay farsamooyinkooda ma dhamaatada ah u isticmaalaan:

Hadaad xusuusataan Waxaan sanadkii hore Kulamadii Baarlamaanka ka jeediyay in shaqooyinka ay Qaban lahaayeen dhalinyarada soomaaliyeed ee Ajaaniibtu hada Qabato la soomaaliyeeyo oo dhalinyarada soomaaliyeed lasiiyo shaqooyinkaas:
Hadaba Go,aanka Dowlada Federaalka ay Dalka kaga saartay Wakiilka Ergeyga Qaramada Midoobay wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan Ajaaniibta Dalka ka howl gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee:

Anigoo ku bogaadinaya Hogaanka Dowlada Federaalka waxaan soo jeedinayaa in hoos loogu daadago halka sartu ka quruntay xididkana loo siibo kooxaha midabada iyo magacyada badan ee aan kor kusoo sheegay:

Hon:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here