Waa imisa Codadka Xildhibaanada Puntland Caawa, Qiimaha oo daqiiqad walba sare u kici karo, Wararkii Ugu dambeeyay

0
188

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Magaalada Garoowe oo caawa ololihii ugu xooganaa ka socda iyadoo maalinta beri ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ayaa wararka waxay sheegayan in qiimaha codadka Xildhibaanada meel sare gaaray.

Ololaha caawa ka socda magaalada Garawe ayaa ah mid aan horey loo arag, waxaana halkaasi ka socda kala xod xodashada Xildhibaanada Puntland ee bari codkooda lagu kala bixi doono.

Sida aan Wararka ku heleyno Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa codadka Xildhibaanada ku kasbanaya lacag waali ah, waxaana saacado saacada ka dambeysa lacaga laaluushka ay gaarayaan halkii ugu sareysay.

Musharaxiinta qaarkood ayaa gor gortan kula jira Xildhibaanada Puntland, waxaana lacagaha codadka lagu kala iibsanayo hada lasoo sheegayaa in ay ka badan yihiin 50-Lun oo dollar oo halkii codba lagu iibsanayo .

Musharaxiinta lacagta ugu badan bixinaya ayaa la sheegay in ay yihiin Maxamuud Khaliif Jabiye, Cabdiweli Gaas, Saciid C/llaahi Deni iyo Musharaxa ugu da’da yar Doorashada Asad Diyaano.

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa iyagana laga cabsi qabaa in ay sare u qaadaan lacagaha lagu kala iibsanayo codadka Xildhibaanada ayna sameeyaan balan qaad waali ah.

Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa beri ka dhaceysa magaalada Garawe, walina lama saadaalin karo mushraxa ku guuleesan kara doorashada Madaxweynaha Puntland oo sanadkan ah mid aad u adag una taagan yihiin musharaxiin badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here