Mas’uul degmo oo caawa Muqdisho lagu dilay

0
57

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa Magaalada lagu dilay Guddoomiye waaxeed degmo ka tirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Wardhiigley oo ku dhex taala Villa Soomaaliya.

Niman ku hubeysan Bastoolado ayaa toogtay Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Abukar, wararka ayaa sheegaya in isla goobtii ka baxsadeen ragga dilka geystay.

Amniga Magaalada ayaa beryhihii aynu soo dhaafnay sii xumaanayay iyadoo dowladda hadda jirta ku guuldareysatay inay xaqiijiso amaanka caasimadda Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here