FARMAAJO oo Telefoonka kula hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland, Ujeedkiisu Muxuu yahay?

0
197

Villa Soomaaliya oo taageeraysa Musharax Madaxweyne ee Puntland Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa caawa laga seexanin, waxaana soo baxaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Lataliyaashiisa Telefoonada kula hadlayan qaar ka mid ah Xildhibaan Baarlamaanka Puntland si ay maalinta beri codkooda u siiyan Madaxweyne Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye.

Wararka ayaa sheegaya in 3 Milyan oo Dollar Dowladda Soomaaliya siisay Madaxweyne Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa caawa laga dareemaya Magaalada Garoowe, waxaana la soo sheegaya in lacagtaas la soo marsiiyay 3 Shirkadood oo Xawaaladeed maadama Diyaarad ka soo qaadi weysay Xamar sababo la xiriira Maamulka Puntland oo diiday wax ka socda Dowladda Soomaaliya ay yimaadan Garoowe.

Farmaajo iyo Lataliyaashiisa ayaa ka welwelsan ninka ay u jabiyan qasnada Dowladda haddii uu beri ku guuleysan waayo doorashada ay dhabar jab ku tahay Siyaasadda Federaalka.

Musharixiinta kale ayaa isku baheysanaya sidii Walshamsi loogu qaadi lahaa Musharax Madaxweyne Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo la fahamsan yahay inuu yahay Wiil Farmaajo soo dirsaday si Puntland ugu dhigo Maamul Villa Soomaaliya looga taliyo oo wixii la doono laga sameysto.

Hadaba saacado kooban ayaa naga xigta doorashada waqtigii ay doorashada dhici lahayd waxaana la saadalinaya in laga yaabo in weji cusub Madaxweyne loo doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here