FARMAAJO awoodiisa dulsaaray Yariisow,kuna qasbay inuu ka laabto….Docomentiga Aqriso

0
190

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intii uu soo dhaafay Xafiiskiisa iyo awoodiisa sharci waxa auu faraha la soo galay awooda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, marka sidaas leeyahay awoodi sharci ee labadaas hayádood Gobolka iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha.

Markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow xilka ka qaaday Guddoomiyaha Degmada C/casiis waxaa ka hor yimid beesha Guddoomiyaha xilka laga qaaday waxayna u tageen Madaxweyne Farmaajo oo markii dambe Yariisow ku canaantay sababta loo taabtay Guddoomiyaha Degmada C/casiis.

Arrintan ayaa keenay in Guddoomiyaha G/Banaadir uu dib uga laabto magacaabidii guddoomiyihii cusub ee loo magacaabay degmada C/casiis, iyadoo xilkiisal oo daayey guddoomiyaheedii Sharma’arke Maxamed Ladane, waxaana Guddoomiyihii cusnaa ee Ismaaciil Mukhtaar Cumar loo magacaabay degmada Xamar jajab, waana magacaabidii labaad ee hal qof muddo toddobaad gudihiis ah loo magacaabo laba degmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here