Wafi ka socda Dowladda Farmaajo oo ku xayiran Garoonka Muqdisho, Diyaaradii qaadi lahayd oo fasax loo siin waayay….

0
225

Wafdi ka socda xukuumadda Somalia ayaa la sheegay inay ku xayirmeen Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday inay tagaan magaalada Garowe.

Wafdigan oo ka koobana wasiiro iyo xildhibaanno ka soo jeeda Puntland ayaa diyaaradii qaadi lahayd loo diiday fasax ay ku degto garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe
Maamulka madaxweynaha xilligiisa dhammaanayo ee Puntland C/weli Gaas ayaa amar ku bixiyey inaysan degaanad Puntland imaan karin wasiirada xukuumadda Somalia iyo mas’uuliyiinta ka tirsan xafiisyada madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha inta ay socoto doorashada Puntland.

Wafdiga maanta u kicitimi lahaa magaalada Garowe ayaa muddo sugayey fasax la siiyo diyaaradooda, waxaana magaalada Garowe dadaal ka waday isimo iyo xubno uu hormuud u yahay Senator C/raxmaan Faroole, taasoo la isku mari waayey, iyadoo uu diidmo cad ka hor keenay madaxweyne Gaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here