IMISA AYUU WASIIR JAMAAL KA QAATAY Shirkadda dhisaysa Dhismaha Wasaaradda?Lacagta Horumariska waa meeqa, Inta harsan waa Imisa?

0
229

Waxaa bartamihii sanadkii hore uu heshiis dhex maray wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Jamal Maxamud Xasan iyo dowladda Qatar, heshiiskaas oo ay ballan qaaday dowladda Qatar in ay bixineyso qarashka dhismaha wasaaradda oo lagu sheegay in ay ku baxeyso lacag shan $3 Milyan oo dollar.

Haddaba iyada oo aanan la gelin tartan qandaraaslayaashii dhisi laha dhismaha Wasaaradda aya waxaa Wasiir Jamal waxaa uu qandaraaska siiyay shirkadda HAAS Petrolium oo aanan ahayn shirkad dhismo balse ka shaqeysa iibinta shidaalka.
Wasiirka ayaa ku bixiyay qandaraaska laba sifo oo kala ah.

1. In uu ka qaatay lacag hor maris ah oo laaluush ah taasoo Newsomali loo sheegay in ay tahay $300 KUN oo dollar.

2. In uu Qandaraaska ku bixiyay qabiil isagoo og xiriirka sokeeye ee ka dhexeeya shirkadda HAAS iyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale Wasiir Jamal la siin doona marka uu bilowdo dhismaha mashruuca lacag dhan $500 kun. Waxa ku bixi doona dhismaha Wasaaradda wax ka yar $1 milyan iyo 200 KUN.

Dowladda Raíisal Wasaare Kheyre ayaa goobaha la taagan waxaan la dagaalameynaa musuqmaasuq balse uu bartilmaameedka musuqooda uu yahay oo kaliya dadka masaakiinta ah iyo ciidanka dowladda.

Dowladda MW. Farmajo iyo RW. Kheyre aya noqoneysa dowladdii ugu musuqa iyo eexda badneyd ee soo marta taariikhda 30 sano ee ugu danbeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here