FARMAAJO oo Badweynta doon kula degtay iyo Saameynta ay yeelan doonto erinta Wakiilka UN ka

0
232

Runtii wa tallaabo qar iska tuur ah oo aan siyaasad, caqli, diplomasiyad iyo hogaamin ku dhisneyn oo ay dawladdannada qaadatay iyadoo isticmaaleysa waddaniyad aan run ahayn oo shacbiga ku beerlaxawsaneyso dalkaan difaaceynaa.

Isbadallada dunida ka dhacaya, gaar ahaan kuwa geeska Afrkia waxay na barayaan inaan u baahan nahay hogaan khatarta go’aamada la qadanaya sii arki kara ka hor inta aysan shacbigu arkin, hogaankaas oo isku xeera shakhsiyaad karti iyo aqoon u leh isbadallada socda iyo inay tala wanaagsan ka bixiyaan xaaladaha dhabta ah ee aan caadifad iyo nacam nacamleyn la dhinac joogin hogaanka.

MW Farmajo waxaa uu kalitalisnimo ay doqonnimo iyo socodbarad siyaasdeed weheliso oo kaga dayano adeerkiis Maxamed Siyad ayuu rabaa inuu dalka ku qabsado isagoo waliba isticmaalya inuu isu muujiyo inuu dalka ka eryo hay’ado iyo shakhsiyaad dalka dhib ku haya. Maxaa uu dhimay ninkii ku yiri war dadkaaga ha dilin, kuwii la dilay iyo kuwii la xiray u caddaalada fal?

Somaliya lama dagaali karto QM oo ka badan 180 dal, iyadoo waliba aan mushaaharka shaqaalaheeda la bixi Karin ciidamadeeda iska dhaafe. Sow ma aha gacanta ku quudineysay gooy dadkaagana ugu sheekee waa gacan gumeysi oo faragelin nagu haysa.

Ma is weydiisay dowladdaan faragelinta ka weyn marka uu ku ilaalinayo askari ajnabi aha oo ay mushaaharkiisa bixiso hay’adda madaxeeda eriday, askarigaas oo kaa warqaba xataa markaad musqusha galeyso iyo Jaajuusyo u shaqeeya dalal ajnabi ah marka ay la taliyayaal kuu yihiin oo adiga iyo madaxda ay u shaqeeyaan isku warbixin isku mid ah idin siiyaan.

Yaabka kale waxaa uu yahay mushaaharka la taliyaha Madaxweynaha mudane Cabdisaciid Muuse ee leh “mas haddaad la legdento wuu ku qaniinayaa” waxaa bixisa hay’ad calami ah ee Somalaiya ma bixiso. Askariga ilaaliya MW farmajo ee ah qofka ugu dambeeya ee aad arkeysid marka aad Xafiiska madaxweynaha gashid waxaa Yugaandhees (Uganda) waxaana mushaarkiisa bixiya hay’ad caalamiga ah oo raaceysa amarka QM.

Haddaba waa maxay Saameynta ka dhalan karta go’aankii qar iska tuurka ahaa?

In dhammaan hay’adaha QM iyo kuwa la xiriira ay dalka ka baxaan, kadibna uu dumo hannaanka dowliga ee dalka ka jira.

In shabaab iyo ISIS oo hadda iska soo horjeedaa ay u midoobaan sidii dalka ay u qabsan lahaayeen ama ay middood qabsato caasimadda kuna dhawaaqdo dowlad ay leeyihiin waa dowlad islaami ah, kadibna culimadda hadda hoosta kaaga jirtaa ee Ictisaamna ay xagooda u yaacaan oo ay Allahu akbar ka daba yiraahdaan.

In Xiriirarada Caalamiga ah ee muddooyinkan soo dhismayey ay kala daataan, dalkauna uu gacanta u galo koox kalitalis ah oo raba in dalka la go’odoomiyo si waxay rabaan ay uga sameeyaan, sida xasuuq iyo caburin ay leeyihiin mucaaridka ayaan lagula dagaallamayaa iyagoo tusaalahooda iyo la taliyahooda uu yahay kalitaliyaha ku haray geeska Afrika ee ay maalimihiisu dhammaadeen Asias Afawerki.

In dalka dib u galo dagaal sokeeye oo ay shacbiga go’aan ku gaaraan inay xukuumaddaan fasahaadka ah iska qabtaan qorayaha u duugganna la soo baxaan.

Waqti xaadirkan wararka ay NEWSOMALI ka heleyso madaxtooyada caawa waxaa ka mid ah in MW Farmajo uu dhowr jeer telefoon ku raadiyey Afwerki si uu ula tashado balsa Afawerki uu ka warwareegay taasina ay caro ku abuurtay Madaxtooyada. Dhinaca kale ilaa dhowr maalmood MW Farmajo waxaa diidayey inuu la hadlo MW K/Afrika Cyril Ramaphosa oo ah ruug caddaa siyaasadeed fahamsanna dabka uu Farmajo dalkiisa doqonimada ku geliyey, kdib markii uu eryey walaal Koonfur Afrikaan ahaa oo dhambaal uu ka siday deeq bixiyayaasha.

Taas oo fursad u siinaysay dowladda Somaliyeed inay u sharraxdo deeq bixiyayaasha dhacdooyinkaas foosha xun ee dadka Somaliyeed lagu laayey, doorasho gacan ku rimis ahna lagu sameeyey. Waraaqda qofkii akhriyaa waxaa uu garan karaa inaysan waraaq cadow ahayn ee ahayd fursad uu wakiilka u soo gudbiyey Somaliya.

Dhianaca kale XG ee QM Mr. Gutters ayaa waxaa uu soo magacaabi doonaa Wakiil, hasa yeeshee dadka siyaasadda akhriyaa ee Xamar joogaa waxay leeyihiin ma dhaceyso in la soo magacaabo wakiil inta ay dowladdaan joogto, tan oo laftigeeda cabsideeda leh.

Dhanka kale NEWSOMALI waxay heleysaa warar sheegaya in dawlaadda oo uu ugu horreyo Gobolka Banadir maamulkiisa ay isu diyaarineyso cambaareyn iyo caay ku aadan QM iyo Hay’adaha Caalamigai iyo saxaafaadda xorta ah ee aan ka amarqaadan dowladda. Dagaal afeedkaas waxaa loo qoondeeyey lacag waxaana laga fulin doonaa baraha bulshada iyo saxaafadda ay biilka u qortay dowladda iyadoo ku marin habaabineysa shacbiga in dawladdu ku saxneyda go’aamadii wada khaldanaa ee is xigxigay kuwaas oo kala ah:

Hanjabaadda ee ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmajo taas oo ay soo marsiiyey la taliyaha madaxweynaha Cabdisiciid Muuse.

Kadibna ay gantaalladda Naaxariisdarrada ah ay ku xigeen xaruunta ay QM ka deggan tahay Xamar ee Xalane oo muuqata in loo fududeeyey cidii gantaallaha la beegsatay guriga ku xigeenka Wakiilka, laguna dhaawacay shaqaale masaakiin ah oo dalka u joogay inay Somaliya u kaalmeeyaan.
Kadibna eryidii wakiilka XG ee QM.

Dawladda waxay ka faa’iideyaneysaa samajeceylka QM oo ah inaysan la tirsan dowladda khaldan balsa ay u turayaan dadka Somaliyeed ee kaalamdooda u baahan waana sababta uu XG u ogolaaday inuu badalo Mr Haysom, kadib markii uu Farmajo ku qancin waayey in waxa ay dowladdeena ugu yeeraty PNG aysan qaban saraakiisha QM. Waayo kuma iman codsiga Somaliya iyo Aqbalaadda Somaliya midnaba oo MW Farmajo ama qof kale waraaqo aqoonsi kama guddoomin. Sidaas darted PNG waxay qabaataa Safaaradaha iyo shaqaalaheeda ee ma qabato Wakiillada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here