Britain oo ka aargoosanaysa Dowladda Farmaajo, Safarka Wasiirka Gaashandhigga ku tagay Hargeysa…Daawo Sawirada

0
200

Wasiirka gaashaandhigga Britain ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, iyadoo ay muuqato in Dowladda Britain qaab diblomaasiyadeed kaga aargoosanayso Dowladda Farmaajo maadama Britain qaab Dowladeed ula dhaqantay Somaliland.

Britan ayaa taageero xad dhaaf ah siisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee dhawaan laga eriyay Soomaaliya, isku day iyo dadaalo Britain waday oo Dowladda Farmaajo ku qancinaysay inay ka laabto ayaa fashilmay.

Britain waxay kaloo joojisay taageeradii ay siinaysay Ciidamada Boliiska Koonfurgalbeed.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka iyo waftiga la socday.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada UK oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii.

Safarka wasiirka ayaa ah safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado maamulka Somaliland

Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dhinaca, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Britain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here