MADAXWEYNE FARMAAJO oo soo abaabulay shir beeshiisa ku yeelatay Muqdisho, Daawo Sawirada

0
325

Waxaan maalintii shaley aheyd ka dhacay hotel SYL Shir weyne Balaaran oo ay isugu yimadeen madaxda, cuqaasha iyo wax garadka beesha Mariixaan ee ku sugan magaalada Muqdisho shirkaas oo ay uga tashanayeen Aayahooda isla markaana lagu soo dhaweeyay u mid kamida Ugaasyada Beesha.

Shirkan oo uu soo abaabulay MW. Farmaajo aya daba socday shir kale oo beesha Mariixaan uga socday magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo kaasoo ay ka soo baxeen qodob dhowr ah oo shaki iyo mugdi sii kala gelinaya maamulka Jubbaland iyo beesha Mariixaan.

MW. Farmajo aya abaabulay labada shir si uu u mideeyo beesha uu ka dhashay si ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay ula wareegi lahaayeen hoggaanka Jubbaland.

Tan iyo markii uu xukunka dalka la wareegay MW. Farmaajo aya wuxuu bilaabay in uu burburiyo maamulada dhisan isago dagaal ku qaaday dhammaan maamul goboleedyada dalka ka dhisan isla markaana bartilmaansaday dhammaan kooxaha mucaaradka ah.

Waxaa dalka laga dareemayaa saan saan in ay dib u bilowdaan dagaallo sokeeye oo markale ka dhacay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here