7 Xubnood oo qaar gacan ka geystay dilalkii ka dhacay Baydhabo qaar kalena taageerayaal u ahaayan Lafta Gareen ayaa la sheegay inay soo baari doonaan wixii dhacay

0
137

Guddiga uu magacabay C/casiis Lafta Gareen oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa la sheegay dhamaantood inay gacan geystay dilka iyo barakacintii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ka geysteen Magaalada Baydhabo bishii December ee sanadkii tagay.

Guddiga Lafta Gareen magacabay waxay ahaayan ama qeyb ka ahaayan dadkii gacan ka geysanayay dilka iyo xadgudubyada ka dhacay Baydhabo, Tusaale Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomoyaha Degmada Baydhabo, Wasiir Isaaq Subaq, Haweenayda sheeganaysa inay Xuquuqdaha Aadanaha u dooda hal maalin kama hadlin wixii Baydhabo ka dhacay.

Tusaale Cabdixakiin Faqi oo ahaa Xubnihii guddiga ololaha Doorashada Lafta Gareen oo Baydhabo isagoo jooga raali ka ahaa dilka iyo afduubkii Roobow ayaa ka mid ah Guddiga Yaa marka la qaldaa.

Hadaba dadka noocaas ah miyaa la dhihi karaa guddiga madax banaan waaye oo soo baara wixii Baydhabo ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here