MAGACYADA Xubnaha xalay Korontada ka jartay Madaxtooyada, C/llaahi Goodax Barre oo difaacayay Siyaasadda muranka badan dhalisay ee Dowladda Soomaaliya Itoobiya ugu gacan gelisay Qalbi Dhagax ayaa ka mid aha dadka xalay Mugdiga seexday

0
156

Intiina xalay nala socotay waxaan soo sheegnay war ku saabsan in korontada iyo biyaha laga jaray Mas’uuliyiinta degan Madaxtooyada kuwaas oo habeenkii xalay ahaa uga qaxay dhismooyinkoodii Mugdi markii laga jaray korontadii oo ay ka heli jireen Madaxtooyada.

Amarka ka guuritaanka madaxtooyada ayaa ku ekaa 22 Ogost, waxaana lagu daray laba toddobaad kale oo maantii shalay ku ekeyd.
Dadka dhibaatada koronta la’aanta iyo biyo la”aanta xalay soo wajahay waxaa ka mid ahaa ninka aadka u naceyb Siyaasadda Damul Jadiid ama xubnihii hore ee ka cag dhawaa Xasan Sh Maxamud waa ninka lagu magacabo C/llaahi Goodax Barre oo maalintii shalay difaacay go’aankii Golaha Wasiirada ku taageeran in Qalbi Dhagax loo dhiibay Itoobiya.

Masuuliyiinta degan madaxtooyada waxaa ka mida madax hore xilal u soo qabtay, xildhibaano iyo shaqsiyaad kale, waxaana ka mida:
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise & wasiir hore
Xildhibaan C/wahaab Ugaas Khaliif & Wasiir hore
C/samad Macalin Maxamuud xildhibaan & Wasiirkii hore
Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre & Wasiirkii hore
Xaawo Xasan Maxamed: Wasiir hore
Maxamad Xasan Aadan: Wasiir Hore
Cali Xareed: Wasiir hore
Macalin Maxamuud: Hogaamiyaha ruuxiga Ahlusunna.
Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf: Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare
Samiiro Ibraahim Cumar: Xildhibaan ahna Wasiir Ku Xigeen.
Col Axmad Cumar Jees: Sarkaal hore oo Milatari ah.
Sahro Maxamed Cali Samatar: Wasiir Hore.
Maxamad C/laahi: Kaaliyaha Madaxwaynaha
Axmad Caynte: Madaxa ACU (Aid Co-coordinator Unit).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here