Guddoonka Baarlamaanka oo Xildhibaanada ku dhaliilay inaysan la xisaabtamin Hay'adaha Dowladda

0
34

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa isweydiiyay sababta keentay inaan Xabsiyada Magaalada Muqdisho lagu arkin qof u xiran musuq maasuq uu sameeyay.
531Arintaasi ayaa wuxuu sheegay inay tahay mid ay ka gaabiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo uu sheegay inaysan si adag ula xisaabtamin hay’adaha Dowladda federaalka Somalia.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia, wuxuu sheegay kumanaan dad ah inay ku jiraan Xabsiyada magaalada Muqdisho, balse dadkaasi aysan ka mid aheyn dad u xiran arimo musuq.

“Kumanaan dad ah ayaa ku xiran xabsiyada, hadana kuma jiro qof loo soo xidhay Musuq maasuq, waxa weeye arintaasi Xildhibaanada inay ka gaabiyeen awood la xisaabtan oo ay haystaan, waa dhibaato adoo awood leh inaad awoodaadi si wanaagsan u isticmaali weysay.” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlaayay kulanka Baarlamaanka ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu sheegay inay haystaan awood ku aadan la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, balse awoodaasi aysan ugu shaqeyn sidii loogu talo galay.

Hanti dhowrka Qaranka ayaa Xukuumadii tan ka horeysay sheegay in Musuq lagu helay ku dhawaad 20 Wasaaradood, balse ilaa hada ma jirto qof maxkamad loo soo taagay eedeymahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here