Xildhibaan Goodax Barre: Madaweynaha waxuu aaminsan-yahay lacag inay shaqeyso,su’aashu waxaa weye lacagta xagge ka keenay macallin Iskuul buu ahaa

0
53

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa diiday baarlamaanka Soomaaliya inuu yahay mid ku doonaya mooshinka ay ka keenen madaxweynaha inay lacag ku badashaan,warkana waxuu ku sheegay inuu yahay mid ka yimid madaxweynaha.
Wasiir-Goodax-Barre-gudaha
Waxuu sheegay xaqiiqda inay tahay xildhibaannada inaysan dooneyn lacag,marka waxuu ku eedeyay madaxweynaha inuu yahay mid aamin-san lacagta.
“Warkan waa mid meel maray oo ay qof walba ku waydiinayso,waana mid ka yimid dhanka madaxweynaha oo isaga aamin-san lacagta,su’aasha waxay tahay lacagta xagge buu madaxweynaha ka keenay,waayo macallin Iskuul buu ahaa,waa hantidii qaranka,”ayuu yiri xildhibaan Goodax oo sheegay lacago badan inuu madaxweynaha ku bixiyay dhismaha maamulka Galmudug.
Xildhibaanku waxuu sheegay inaysan dhici doonin xildhibaanno laalush qaata,isagoona inta raaciyay inay gudan doonan waajibadka shaqo ee ka saaran dalka.
“Xildhibaannadu kuwo lacag qaata ma aha,xildhibaannadu way arkan mas’uuliyadda saaran wajibkooda ayayna gudan doonan,”ayuu ku daray hadalkiisa xildhibaan Cabdullaahi Goodax.
Cabdullaahi Goodax Barre waxuu ka mid yahay xildhibaannada mooshinka dhawaan ka soo gudbiyay madaxweynaha,kuwaaso ku eedeyay inuu dambiyo ka galay qaranimadda Soomaaliya.
Guddoonka baarlamaanka ayaa wali laga sugaya sida laga yeeli doono mooshinka hor yaalla ee madaxweynaha lugu doonayo inuu xilka ku baneeyo,sida ay raban xildhibaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here