Fadeexad Maaliyadeed oo ku soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.hoygii Musuq maasuqa

0
127

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin aad xasaasi oo ka hadleysa musuqa baahay ee oo ka dhex jira dowladda iyo hay’adaheeda dhexdeeda, waxaana warbixintu faaqideysaa Wasaaradda Maaliyadda oo musuqa ugu badan ku kacday.

fargeet

Guddi-maaliyadda

Warbixintan oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka aakhirkii Bishii hore ayaa aad faahfaahinaya arrimo ay ka mid yihiin:

Musuqmaasuq baahsan
Maamul xumo talax tagtey
Wax isdabamarin
Khiyaano
La xisaabtan la’aan,
Ku takri fal hanti dowladeed
Dayacaadiyo gaabis lagu sameeyey maaliyadda dowladda

HOOS KA AKHRI WARBIXINTA GUDDIGA BAARLAMAANKA IYO DHACDOOYINKII JANAAYO-MAY 2015-ka.

Maamul Xumo iyo Wax isdabamarin

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo uu guddoomiye ka yahay Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir waxa uu wasaaradda maaliyadda ku heley inay jabisey xeerka qoondada miisaaniyadda ee uu Baarlamaanka ansixiyey kadib markii ay wasaaradda ugu tagri fashay dakhliga dowladda si ka baxsan qoondada miisaaniyadda ee uu baarlamaanka ansixiyey, guddiga wuxuu baarlamaanka faray in uu soo saaro qaraar mamnuucaya ku dhaqan la’aanta habraaca qoondada miisaaniyadda.

Wasaaradda waxa ay khasnadda dowladda ka bixisey hal malyuun iyo sedex boqol oo kun oo loo isticmaalay si ka baxsan sharciga iyo wax aan xaalad degdeg ah ahayn, wuxuuna guddiga baarlamaanka ka codsaday in go’aan lagu joojinayo arrintaasi lasoo saaro .

Iyada oo ay sidaasi tahay ayaa waxay Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhexeba diideen bixinta mushaaraadkii xildhibaanadii hore, islamarkaasina soo celiyeen foojarkii nambarkiisu ahaa 208 si ka taloowsan sharciga , guddigana waxa uu farayaa in muddo 2 bilood ah gudahood lagu bixiyo lacagtaasi.

Taasi bedalkeeda waxa ay wasaaradda maaliyadda qarash gareysey lacag dhan 1 milyan, 5 boqol kun 82,319.87 doolar oo kaliya lagu bixiyey safarada madaxda dowladda oo aanan iyagu intooda badan muhiim ahayn, guddigana arrintaasi waxa uu ku tilmaamay arrin lala yaabo, tahayna in baarlamaanka qaraar kasoo saaro in aanan qarash lagu bixin karin safar dibadeed oo aanan dowlad dakhli kasoo galaynin ama muhiimad siyaasad oo badan aanan lahayn.

Musuqmaamus iyo Lacago La Lunsaday

Warbixinta guddiga oo dheer oo aan inta muhiimka ah uun kasoo koobeyno, waxa ay ka hadlayso lacago la lunsaday oo aanan meel lagu sheegin.

Tusaale ahaan guddiga waxa uu warbixinta ku sheegey in xisaabxirkii lagu sameeyey miisaaniyaddii sanadkii 2013-kii lagu ogaaday in shirkado gaar loo leeyahay sida Dahabshiil iyo Salaam Bank laga amaahday lacag dhan 10 malyan oo doolar, balse 6 malyan oo kaliya ay ku dhacday khasnadda dowladda, lamana oga halka ay martay 4-ta milyan ee kale, wuxuuna guddiga farayaa xeer illaaliyaha guud in uu dabogal ku sameeyo lacagtaasi cidda lunsatay.

Sidoo kale waxaa jirtey lacag hal milyan oo doolar ah oo dowladda shiinaha ugu deeqdey dowladda Soomaaliya, taasi oo lasoo mariyey safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, balse lacagtaasi 5 boqol oo kun oo doolar kaliya ay soo gaartay qasnadda dowladda, halka 5 boqol oo kalane aanan la ogeyn meel ay martay.

Guddiga waxa uu xeer illaaliyaha guud Dr. Axmed Daahir xusuusiyey in horey uu baarlamaanka ugu soo gudbiyey caddeymo la xiriira 19 wasaaradood oo lagu heley arrimo musuqmaasuq, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid talaabo looga qaaday musuqaasi dhacay, sidaasi darteed waxaa la faray xeer illaaliyaha guud in muddo 30 cisho gudahood ah sharciga ku horkeeno dadkii lagu heley caddeymaha musuqmaasuqa.

Maamul Xumo iyo Beylah

Iyada oo markii horaba uu yaraa dakhliga dowladda soo gala oo aanan dabooleynin baahida jirta ayaa haddana aanan la samaynin sidii habboonaan lahayd ee lagu heli lahaa dakhli wanaagsan, tusaale ahaan tariifada canshuurta laga qaado illaha dakhliga ma ahan mid waafaqsan sharciga dalka.

Intaasi oo kaliya ma ahan, guddiga waxa uu sheegey in illaha dhaqaale ay gacanta ku hayaan shirkado shisheeye oo aysan la joogin cid dowladda wakiil ka ah oo ogaan karta dakhliga soo xarooda inta uu yahay si aanan looga been sheegin.

Dowladda wax canshuur ah kama qaado shirkadaha ugu waaweyn dalka ee macaashka badan uu soo galo sida kuwa isgaarsiinta, xawaaladaha, bangiyada, hoteelada iyo kuwa la mid ah oo ayba sahlantahay in canshuurta laga qaado, waxayna guddiga aaminsanyihiin in haddii shirkadahani ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay in dowladda ay ka maarmi lahayd kaalmada dibada.

Waxyaabaha layaabka leh ee ku jira warbixinta ayaa waxaa ka mid ah in wasaaradda maaliyadda ay qarash siiso hey’ado aanan wali ahayn kuwa dastuuri ah sida hey’adda maareynta masiibooyinka oo aanan wali sharcigii lagu dhaqi lahaa aanan la ansixinin.

Soojeedinta guddiga

Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxa uu baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyaddaba usoo jeediyey talooyin badan oo dhaxalgal ah, waxaanse kasoo qaadanaynaa kuwa kooban oo aan is leenahay waa muhiim.

In shirkadaha maamula dekada iyo garoonka muddo 45 cisho gudahood la hor geeyo baarlamaanka si dib u eegis loogu sameeyo heshiisyada lala galay, waxaana qasab ah in saraakiil ka socota dowladda la geeyo dhamaan meelahaasi si ay ula shaqeeyaan dhamaan shirkadaha dowladda ay u wakiilatay in ay maamulaan illaha dakhliga si loola socdo waxa soo xarooday iyo waxa kale ee dayacmay, una yimaado isla xisaabtan.

Waxaa lasoo jeediyey in faragalinta laga dhaafo xafiiska iyo hawsha Hanti Dhawrka guud, hawshiisana loo madax baneeyo.

In wasaaradda maaliyadda sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo saarto sharci canshuuraha qaabilsan mid federaal illaa heer maamul goboleed, in sidoo kale canshuurta ku waajibtay laga qaado dadka ajaaniibta ah ee ku sugan xerada Xalane ee aanan ku dhawrsanayn hanaanka xasaanadda dublamaasiyadeed, iyo sidoo kale in dowladda qaado canshuuraad kale ee aanan hadda la qaadin ama cid kale aanan loo wakiilan.

In dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii lagu kireeyey hantida dowladda oo dhan, dakhligoodana lagu xareeyo khasnadda dowladda, iyada oo dhamaan heshiisyada ay tahay in laga diiwaangaliyo xafiiska Hanti Dhawrka Guud muddo 30 cisho gudahood ah.

Ugu dambeyntii in waraaq kasta oo uu lacag ku bixinayo xisaabiyaha guud ay tahay mid uu soo saxiixay agaasimaha guud ee wasaaradda qarashka dalbanaysa sida uu qabo sharciga nambarkiisu yahay 317 ee soo baxay sanadkii 1962-dii, waxaana si gaar ah loogu digey ciidamada qalabka sida oo si taasi ka duwan qarashkooda lagu qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here