MUUNGAAB iyo Joon Nuur Cadde oo isku baheystay boobka iyo dhaca hantida Gobolka Banaadir

0
44

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mudadii uu xilka hayey waxuu ku kacay musuqmaasuq xun oo runtii dib u dhigay maslaxadda gobolka iyo tan Soomaaliya. Madaxda Qaranka oo si fiican ula socota falalka musuqmaasuqa ah oo uu maalin walba ku kaco guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Muungaab, waxaana moodaa hadda in Maalmihii Muungaab xafiiska joogi lahaa soo yaraanayan, waxaana loo badinaya in toddobaadyada soo socda xilka laga qaadi doono.. Shacabka Muqdisho ayaa si xoog leh u hadal haya sida uu ku badbaado shaqsi aan ka xishooneynin musuqmaasuqa, ku faanaya, ceynaya maamulkiisa, isla markaasna isu heysta shaqsi aan la taaban karin.
Muungaab-Joon-677x316_cBaaritaan fara badan ayaa lagu ogaaday arrimahan:

1. Dhulal sharci daro ah oo uu lacago ku iibsado, ha noqoto kuwa laga kiciyey barakacayaal, kuwo si sharci daro ah looga raray dadkii degenaa isla markaasna la siiyey shaqsiyaad, lacagaha uu ku bixiyo safarada, oo weliba labadii usbuucba uu tago Kampala kana iibsaday guri.

2. Tan ugu daran ayaa ah ka qeybqaadashada dagaal beeleedka duleedka Muqdisho ku dhex maray beelaha Celi iyo Mattaan oo uu u direy gaadiid, hub iyo lacag kuna hanjabay inuu Mattaanka ka ciribtiri doono deegaanadaas. Arrinkan ayaa waxaa si xoog leh ugu gacan siiya Joon Nuur Cadde oo u ah Agaasimaha xafiiska Duqa.

Hub u diiwaangashay Dowladda Federaalka gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay dagaal ka dhacay duleedka Warshiiq, hubkaas waxaa lagu qabtay maleeshiya Muungaab isku heyb yihiin, waxaana la aaminsan yahay inuu Muungaab hubkaas siiyay maleeshiyadiisa.

3. Joon ayaa markii loo dhiibay xilka ka dib si cad u musuqmaasuqa dhaqaalha gaobolka oo uu guri uu ka kireystay Cabdicasiis ku bixiya lacago badan oo kiro ah iyo adeeg oo 36 kun oo dollar uu ku bixiyaa sanadkii kirada oo horumaris ah.
4. Sidoo kale Joon ayaa ka dhexwada maamulka gobolka isku dir, iska horkeen iyo inuu si xun u isticmaalo dhaqaalihii.
Waxuu si aad ah u fogeeyey Iimaan Nuur Iikar, iyo guddoomiye ku xigeenadii kale. Waxuu cadaadis weyn ku hayaa Xoghayaha Gobolka oo uu howshiisa ka hor istaagay una diiday inuu dhaqaalaha taabto.
Sidoo kale waxuu hadda culeys weyn ku hayaa Afhayeenka Gobolka Banaadir Xalana kaas oo la dhibaatoonaya awooda Joon Nuur Cadde.

Muungaab iyo Joon Nuur Cadde waxay ka taajireen boobka hantida Gobolka Banaadir iyagoo dhaqaale fara badan ka sameeyay dhulalka hantida qaranka la iibsaday, saxiixa warqado been ah iyo shirkado si gaar ah loo siiya qandaraasyada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Joon uu Aabihiis u xalaaleeyey guri weyn oo gobolka leeyahay oo ku yaalla degmada Cabdicasiis oo dhowaan dhismo lagu bilaabi rabo ku kaceysa 50 kun oo doolar.

Arrimahan ayaa culeys weyn ku ah gobolka banaadir oo shacabka degen ay sugayeen maamul wanaag, iyo in danaha guud ee gobolka laga shaqeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here