HANTI DHORARAHA GUUD OO Muungaab u sharciyeeyay bixinta dhulalka Magaalada Muqdisho, Yaa dhiman mar haddii Hanti dhowraha guud Laaluush lagu siiyay soo saarida Docomentigam, AQRII DOCOMENTIGA

0
101

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa jeebka gashaday Hanti dhowraha guud ee dalka isagoo u sharciyeeyay habka Muungaab u maamulo dhulka Magaalada Muqdisho.
4Iyadoo la tix raacayo sharciga N0, 10 soona baxay 1980, in dhulka gobolka Banaadir damaanayaale iyo minishibaale uu mas’uul ka yahay duqa magaalada Muqdisho, hase yeeshe taas micnaheedu ma aha in dhulka sidii uu doono ka yeelo Duqa Magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Hanti Dhowrka guud ayaa lagu yiri “Waxaana xusid mudan in xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka uu baaris ku sameeyo sanadkasta dowladda Hoose, waxaana baaris dhul iyo dhaqaale kaddib noo cadaatay in dowladda Hoose ee Xamar ay u maamusho dhulka si waafaqsan sharciga.

Hadaba qoraalka ka soo baxay xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka ma aha mid ku saleysan xaqiiq iyo daacadnimo, waa qoraal Siyaasadeysan oo ay isla og yihiin min Madaxweyne, Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka.
In la iibiyo warshadii Baastada, Dhulkii Wasaaradda Gaadiidka ee ku dhawaa Garoonka, Dhulkiii Wakaaladii Korontada, Jardiinada Magaalada Muqdisho, beerta xoriyadda iyo dhulal kale oo fara badan ma sharciga ayaa waafaqsan waa wax lala yaabo oo umadda soomaaliyed afka gacanta ku haysata.
Ku dhawaad 60 meeyo dhul oo ku yaala gudaha iyo daafaha Magaalada Muqdisho ayaa la iibsaday, waxaana iibsaday Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) maantana inta kale oo dhiman ayaa loo sharciyeeyay Muungaab.

Shaki la’aan waaye in Muungaab  lacag ku bixiyay soo saarista qoraalkan hanti dhowrka qaranka oo iska idha qabtay dhamaan eedaha ku saabsan inuu Muungaab dhul boob wada waa wax aan marna laga filaynin qof mas’uul ka ah hantiada qaranka, hase yeeshe qof baahan in hantida qaranka mas’uul loogu dhigo ayaaba markii hore qalad ahayd, inleyn qofkii wax siiya ayuu wax u xalaalayaa.
1 2 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here