Maamulka Jubbaland oo xalay toogtay Saraakiil lagu eedeeyay inay wax ka ogaayan weerarkii shalay ka dhacay xerada Jaamacadda ee Kismaayo

0
40

Habeenimadii xalay ahayd, ayaa waxaa Magaalada Kismaayo lagu toogtay Cali Sankuus oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, ka gadaal markii lagu eedeeyay inuu fududeeyay weerarkaasi.
axmed-MadoobeGaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa shalay lagu weeraray Xerada Jaamacadda Kismaayo, iyadoona ay weerarkaasi ku dhimatay 14 askari, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Xeradan, ayaa ahaan jirtay Jaamacaddii Kismaayo ka hor inta aynaan saldhig ka dhigan Ciidamada Militariga Kenya, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Waxaana muddooyinkan dambe lagu tababaraayay Ciidanka Jubbaland.

Toogashadan, ayaa waxay ka dhacday Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee K2. K2 waxaa xilligan degan Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaaya in la toogtay nin kaloo lagu magacaabi jiray Maxamed Dheere, oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland. Maxamed Dheere waxaa la sheegay inuu Cali Sankuus ku wehlinaayay fududaynta weerarkaasi.

Korneyl Cabdi Ibraahim Cabdi (Cabdi Yare) oo ah Taliyaha Xerada Militariga Jaamacadda Kismaayo, ayaa shalay Saxaafadda u sheegay weerarkaasi inay u qabteen laba nin, oo sida uu sheegay fududeeyay weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here