DAAWO SAWIRADA Qaraxii saaka lala beegsaday xero ciidan oo ku taala Magaalada Kismaayo

0
40

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay gudaha xarunta Jaamacadda Kismaayo, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo la isku dhafay oo tababar u socday.
Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday nin xerada laga yaqaanay, isla markaana ahaa sarkaal ciidan, waxaana uu isku dhex qarxiyay xerada ciidamada ku sugnaayeen.
Ugu yaraan 15 ka tirsan ciidamadii xerada lagu tababaray iyo askari ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ayaa ku dhintay qaraxa, halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen.
AMISOM ayaa qiratay in saddex askari oo tababarayaal ah ay uga dhaawacmeen qaraxa xoogan ee ka dhacay xerada ciidamada lagu tababarayay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaaraha uu intaa ka badan yahay, isla markaana meydad badan laga qaaday goobtii qaraxa ka dhacay oo aheyd teendhooyin ciidamada ay jiifeen.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, isla markaana ay ku dileen in ka badan 100 askari ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

DSC_98561 (1) DSC_9820 DSC_9858 DSC_9860 DSC_98551

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here