Cabdisamad “Gudoomiyaha Baarlamaanka waa inuu soo cadeeyaa wadada uu marsiinayo mooshinka”

0
36

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu soo cadeeyo wadada uu marsiinayo mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaliya, kaasoo la yaalla Guddoonka Baarlamaanka.
xildhibaan2Xildhibaanka ayaa xusay inuu Guddoomiyaha uu wada tashi la leeyahay dhinacyo kala duwan, ayna ka sugayaan sida ugu dhaqsiyaha badan inuu Baarlamaanka ku horkeeno.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka markii uu safarka ka soo laabtay ayuu mooshinka qabtay, wixii intaas ka dambeeyay waxaa laga rabaa inuu u sheego dariiqada uu marsiiyo waxaa u maleynayaa inuu la tashi sameynayo, maadaama mooshinka uu yahay markii u horeysay oo noociisa ah, waxaa dastuurka ku yaala saddex meelood labo meelood inay Madaxweynaha mooshin ka keeni karto”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdisamad ayaa sheegay in Baarlamaanka uu leeyahay xeer hoosaad, cadeynaya qaabka xildhibaanka mooshinka uga mid noqon karo iyo qaabka uu uga bixi karo, hase yeeshee waxaa uu xusay in mar haddii Guddoonka qabto mooshinka aanu xildhibaanka ka noqon karin.

“Waxaa sharciga yahay xildhibaanka marka mooshinka uu saxiixo oo Guddoonka uu soo gaaro, isla markaana uu istaambadeeyo mooshinka, oo uu tiriyo nambarka saxda ah waa dhan yahay uu yiraahdo, qof dambe oo ka bixi kara ma jiro qofka haduu rabo markaas ka bacdi inuu ka baxo waa marka Baarlamaanka la keeno dhinaca kale ayuu u codeyn kara markaas, laakiin mar haddii Guddoonka uu qabto waa ka baxaa wax macno ma keeneyso”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada joogtada Baarlamaanka ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo u socday, iyadoo kulamadaas wali wax war ah ka soo bixin, hase ahaatee Guddoonka ayaa loo arkaa mid go’aanka kama dambeeya ay gacanta ugu jirto, sida laga yeelayo mooshinka in Baarlamaanka u soo gudbiyo si looga doodo iyo inuu wado kale oo xal ah u maro, si meesha looga saaro.

Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa labada dhinac waa kuwa Mooshinka wada iyo kuwa diidan ay ka wadaan magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxtooyadana ay dadaal badan ugu jirto sidii ay mooshinkaas ku fashilin laheyd.

Si kastaba ha ahaatee Beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee uu abuuray mooshinkan, kaasoo ay sheegeen inuu dib u dhac ku keeni karo xaalada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here