MUUQAALKA:Faarax C/qaadir ma yahay ninka koowaad ee ugu awooda badan dalka, Muxuu isku arkaa isaga, Wareysi dhameystiran Daawo

0
41

Waxaa uu ahaa Wareysi lala yeeshay ninka la aaminsan yahay inuu miisaan culus ku leeyahay Siyaasadda Soomaaliya, haddii si kale loo dhigana Waa saaxiibka ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya, ninka aan ka hadlayna waa Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirkii hore ee Cadaalada iyo Garsoorka ee Soomaaliya.
3Wareysigan oo dhinacya badan taabanaya ayaa waxa uu ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha, xiriika dowladda dhexe iyo federaalka, xaaladda guud ee dalka iyo qodobo kale oo xiiso badan.

Faarax C/qaadir loogama baran inuu soo fariisto Shaashadaha Warbaahinta, inta badan oo nin afgaaban oo hadalkiisa kooban yahay laakiin markan waxaa la wareystay isagoo marna qoslaya marna caro yar muujinaya.
Dadka ka faalooda Siyaasadda Soomaaliya waxay Faarax C/qaadir ku tilmaaman inuu yahay ninka koowaad ee ugu awooda badan marka laga soo tago Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here