Meydka nin Somali iyo Xaaskiisa oo laga helay guri ku yaallo Magaalada Sanca dalka Yemen

0
44

Labadaan ruux meydkooda waxaa laga soo saaray gurigii ay ka deganaayeen Magaalada Sanca ee dalka Yemen, iyadoo guriga loogu tagay labo hablood oo ay dhaleen.
Wararka waxa ay sheegayaan in loo maleynaayo labadaan ruux inay cabeen sun, kadibna ay u geeriyoodeen suntaasi, iyadoo ninka lagu magacaabi jiray Yuusuf Diiriye Xasan Geedi, wuxuu ka mid ahaan jiray Guddiga Qaxootiga Somalida Yemen.

C/risaaq Xuseen Dhiiloow oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Yemen, ayaa sheegaya xilligii guriga la tagaayay loogu tagay labo gabdhood oo mid ka mid ah lugta ay ka dhaawacan tahay, labadaan gabdhood waxaa dhalay Aabaha iyo hooyada geeriyoodeen.

Wuxuu sheegay in loo maleynaayo dadkaan inay cabeen sun, kadibna suntaasi ay u geeriyoodeen, iyadoo horay uu u jiray khilaaf ka dhex taagnaa Hooyada Guriga iyo Saygeeda.

Dad maalmo ka hor u tagay reerka ayaa sheegay in Hooyada guriga ay u sheegtay inuu jiro khilaaf Saygeeda kala dhaxeeya, hadii ay geeriyoodaana sabab uu u yahay geeridooda khilaafkaasi.

Booliska Magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa wada baaritaan la xidhiidha shakiga laga muujiyay in reerkaan ay u dhinteen suntii ay cabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here