Wakiilo uu hogaaminayay Nicholas Kay oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Dowladda

0
25

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulamadan looga hadlayay xiisada siyaasadeed ee dalka ku soo korortay, gaar ahaan mooshinkii dhowaan laga gudbiyay Madaxweynaha.
download

Sida ay sheegayaan wararka wakiilada Beesha Caalamka ee uu hogaaminayay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ugu horeyn kulan albaabada u xiran la qaatay Guddoonka Baarlamaanka, sida Guddoomiyaha iyo labadiisa kuxigeen.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in laga wada hadlay arrinta hor-taala mooshinka, iyadoo Nicholas Kay iyo xubnihii la socday ay walaac ka muujiyay mooshinka jira inay dalka ku keento dib u dhac, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa ay ka hadleen in wax walba si daah-furnaan looga shaqeeyo, lagana fogaado wax kasta oo musuq maasuq keeni kara.

Intaas kadib ayaa Nicholas Kay iyo wakiiladii la socday waxay u tageen Madaxweynaha, waxaana kulan dheer oo saacado qaatay ku yeesheen xafiiska Madaxweynaha, iyadoo illaa iyo hada aan wax war ah laga heyn kulankaas.

Hase ahaatee intii kulankaas socday ayaa waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo aanay tan iyo jimcihii isaga iyo Madaxweynaha is arkin.

Inkastoo aanay wali Beesha Caalamka war wada jir ah ka soo saarin arrinta mooshinka laga geeyay Madaxweynaha iyo xiisada siyaasadeed uu dhaliyay, hadana lama oga sida ay damacsan yihiin, iyadoo horay loo ogaa marka sidan oo kale khilaaf u soo baxo ama mooshino laga geeyo Madaxda ay soo saari jireen war saxaafadeed ay walaac kaga muujinayaan arrintan.

Si kastaba ha ahaatee kulanka Wakiilada Beesha Caalamka la yeesheen Madaxda dowladda ayaa ku soo beegmaya, iyadoo labadii maalmood kulan uu albaabada u xirnaa u socday Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada joogtada ah, kulamadan ayaa looga hadlayay xaaladaha mooshinka iyo suurta galnimada in Madaxweynaha uu hor-tago Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here