MUUNGAAB YUU KA IIBIYAY Warshaddii Baastada iyo Wakaaladii Xoogga Korontada, Muungaab oo markan iibinaya xerada Badbaado, maxaa ka socda?

0
54

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa ka iibiyay labo degaan oo caan ah shirkado si gaar ah loo leeyahay sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho.
munMid ka mid ah Warshadii dalka ayaa laga iibiyay shirkad si gaar ah loo leeyahay, waana Warshadii Baastada waxaa laga gaday Salaam Somali Bank oo qeyb ka aha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn ee Soomaaliya.
Iibka Warshada Baastada waxaa amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud waxaana warqada ogolaanshaha saxiixa bixiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.
Saslaman ATMBoobka hantida qaranka ee magaalada Muqdisho ka socda intaas kuma eka, waxaa sidoo kale la iibiyay Wakaaladii Xoogga Korontada Waxaa laga gaday Shirkada Korontada Banaadir (BECO) .
koronto-7-8Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”ayaa iibsaday sida laga soo xigtay ilo muhiim ah oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Labadaas xarumood waxay ka mid yihiin hantida qaranka, cid kasta oo Soomaaliyed ayaa xaq u leh, mana iibin karaan Muungaab iyo inta la mid ah, Dowladda hada jirtana awood uma laha inay ku iibiso hantida qaranka waayo Madaxweynaha iyo Xukuumadda xafiiska kuma joogan doorasho dadweyne.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa hada beecinaya xerada Badbaado oo ay ku jiraan qaxooti fara badan oo Soomaaliyed.
Sida ay bbc da laanta Soomaalida u sheegeen qaar ka mid ah qaxootigaas waxaa lagu haaya barakicin iyo hanjabaad uga imaanaya Maamulka Degmada Dharkanley.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maamulka degmada amar ku siiyay inay dadkaas meesha ka saaran sida ugu dhaqsiyaha badan waana iib xeradaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here