Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
37

Ugu yaraan sagaal xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.
Xildhibaanadan, ayaa ka kala socday Guddiyada Difaaca & Arrimaha Dibadda Ee Baarlamaanka Kenya, waxayna Xarunta Villa Hargeisa kula kulmeen dhigooda Somaliya.

Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta iyo wada shaqaynta labada Baarlamaan, ka dib kulan muddo saacado ihi qaatay oo ay ku yeesheen Xarunta Guddoonka Sare Baarlamaanka (Villa Hargeisa).

labada dhinac, ayaa waxaa kulankan ku wehlinaayay Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Kenya u joogga dalka Somaliya, Amb. Lucas Kyonze Tumbo.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa wax guul ah ku tilmaamay kulanka ay Magaalada Muqdisho kula yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ka socotay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Xildhibaanadaasi ay kala hadli doonaan cabashada ay qabaan dadka Somaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Xildhibaan Aweys C/laahi Ibraahim, Xoghayaha Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku waramaaya in labada dhinac ay isku waafaqayn in laga wada shaqeeyo adkaynta xiriirka labada Baarlamaan.

Xildhibaan Aweys, ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka socda, ay dhawaan taggi doonaan Magaalada Nairobi, si ay ula soo kulmaan Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya.

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo hogaaminaayay Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, ayaa sheegay Somaliya iyo Kenya inuu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo derisnimo, lana doonaayo in laga wada shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal.
66108dda 292536e9 b9a8eb1c c2cf2ae4 d629e723 dc8058a6 fda9db33 4b1b29db 6b9e6b3c 9e90ea78 9e715e00 4089bc70

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here