Wasiirka Gaashaandhiga oo qiray inay jiraan Ciidamo Itoobiyaan aan AMISOM ka tirsaneyn

0
34

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan oo aan ka mid aheyn AMISOM ay joogaan Soomaaliya, isagoo cadeeyay in dhici karto inay caawimaad siiyaan Ciidamadooda kale ee ka mid ah howl galka AMISOM.

Shalay ayay aheyd markii Taliyaha qeybta afaraad howl galka AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil oo wareysi siiyay idaacada VOA uu markii u horeysay qiray in qeyb ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya aysan ka tirsaneyn AMISOM.

Wasiir Diini ayaa sheegay inay suura gal tahay in ciidamada AMISOM ka socda ay caawimaad ka helaan ciidamadooda, si hadii culeys soo fuulo uga helaan gurmad, waxaana uu taasi ku tilmaamay inay tahay arrin ay dhib ku jirin.

“Intaan ogahay way dhici kartaa in Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ay caawimaad weydiistaan ciidamada kale ee dalkooda, Haddii culeys soo fuulo ciidamada kale ee u dhow meesha ay ka howl galayaan amar qaadashada ciidan walba dowladdiisa ayuu ka qaadanayaa, inuu xiriir la sameeyo waa waajib, lama dhihi karo xiriir hala yeelanin”ayuu yiri C/qaadir Diini oo la hadlayay Idaacada VOA.

Ciidamada Itoobiya ayaa horaantii sanadkii hore ku biiray howl galka AMISOM, iyadoo horay u jireen warar sheegayay in ciidamo ka badna ciidankii ay uga mid noqdeen AMISOM ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here