MAGACYADA 5 Sarkaal oo al shabaab ah oo saaka lagu dilay Hiiraan

0
49

Ciidanka Dowladda kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa howl gal ay saakay ka sameeyeen gobolka Hiiraan ku dilay ku dhawaad 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogeyaal.
Dagaal

Sida ay sheegayan wararka ciidammada ay saakay ka howl galeen dhinaca galbeed ee gobolka, ayadoo meydadka maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan 5 horjooge la keenay tuullada Luuq Jeelow oo qiyaastii 20 km ka xigta magaalada Beledweyne.

Horjoogeyaasha dagaalka ku dhintay waxaa ka mid ah;
Abuukar Xaaji Xabiibulah Horjoogihii deegaanka Ceel Cade
Yusuf Sheikh Da’ud Horjoogihii degaanka Buq-Aqable
Max’ed Cali Cumar Dhuxul. Horjoogihii Tuulada Luuq-Jeelow
Cabdullhi Warsade oo u qaabilsanaa Dhinaca maaliyada ee gobolka Hiiraan iyo horjoogeyaal kale.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku haya hal qof oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo u qaabilsanaa dilalka gaadmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here