XILDHIBAAN Dahir Amin Jeesow oo Feer la dhacay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf, Dagaal ka dhacay Gudaha Baarlamaanka

0
36

Labo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow waxaa dhex maray dagaal gacan ku hadal ah sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, dagaalka ayaa dhacay maanta oo isniin ah 17-8-2015

Xildhibaan Dahir Amin Jeesow iyo Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf
Xildhibaan Dahir Amin Jeesow iyo Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf

Xildhibaan Dahir Amin Jeesow iyo Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa dagaalamay xilli ay socotay dood ku saabsan miisaaniyada 2015 ee dalka, laakiin dagaalkooda wax saameyn ah kuma lahayn dooda Miisaaniyadda laakiin waxay ku kala aragti duwanaayan arrimaha jubbooyinka iyo siyaasadda dalka.

Dahir Aamin Jeesow ayaa dhawr feer la helay Xildhibaanka kale ee Cabdi Barre Yuusuf oo dagaalka lagala horumaray, hase yeeshe dhowr Xildhibaan ayaa si deg deg ah u kala qabtay labada nin.
Xaalada ayaa la dejiyay laakiin dagaalka labada nin ayaa waxaa uu salka ku haaya hadalo horey is dhaafsadeen labadooda kuwaas oo badankooda ku aadan arrimaha jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here