Tarsan “saddex sano ayaa waqtiga waxaa nalooga lumiyay Dowlad la dhisaayay iyo Dowlad la duminaayay”

0
40

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Gudoomiyihii hore Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa qaba Mooshinkan inaanu waxba kaga duwanayn labadii hore ee xilalka looga eryay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
tarsan
“Waa wax caado ah shaqada Dowladda Somaliyed dhanbaa ku shaqeynaysay mooshin, labo Ra’iisul Wasaare markii laga keenaayay mooshin lama dhihin war aan wada hadalno waa siyaasad aan wada hadalnee joojiya lama dhihin, saddex sano ayaa waqtiga waxaa nalooga lumiyay Dowlad la dhisaayay iyo Dowlad la duminaayay, mooshinkaana waxba kagama duwanaa kuwii hore.” Ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Tarsan, ayaa muujiyay in Xukuumadda iyo Baarlamaanku ay ka cararayen in dalka ay ka qabsoomto doorasho xalaal ah, balse ay markii dambe labadoodii isku dhaceen, isagoona taasi ku macneeyay in xaqii uu soo daahiray.

“Sirta qarsooneyd waxa ay aheyd in muddada la dheereysto, ha noqoto Madaxweyne, ha noqoto Baarlamaan ha noqoto Wasiiro, sababtoo ah umaddaan in awoodii loo soo celiyo oo ay doortaan qofka ay rabaan ayaa la diidanaa, marka waxaa la rabay waxyar oo la maamulan karno sidaasi ayaan rabnaa, labadii xaqdaro ku heshiisa xaqa ayaa kala geeya xaqii baa yimid.” Ayuu yiri Tarsan.

Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, ayaa Jimcihii sheegay in Mooshinkaasi loo mari doono si waafaqsan Dastuurka, isla-markaana ay Somaliya ku filan tahay inay xaliso arrimaheeda gaarka ah.

Madaxweynaha waxa uu Khamiistii ka digay in Mooshinkan uu dib u dhac ku keeno dalka, iyadoo taasi bedelkeedana uu Xildhibaanada ugu baaqay in la qiimeeyo daruufaha dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here