Maamulka Gobolka Hiiraan oo sababta Cali Ameeriko Beladweyne loogu diiday ku sheegay arimo siyaasadeed

0
37

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta Maxamed Cali Ameeriko loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

CaliAmericaAndAbyanOttawa2Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi, ayaa sheegay amarka loogu diiday Cali Ameeriko inuu galo Magaalada Beladweyne uu kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka arintaasina ay aad uga xun yihiin.

“Markii aan soo dhaweynay oo aan Beladweyne duleedkeeda uga hortagnay, ayaa waxaa soo hadlay oo amar soo bixiyay Guddoomiyaha Gobolka oo yiri Maxamed Cali Ameeriko meesha uu joogo haka noqdo Magaalada Beladweyne ma geli karo.” Ayuu yiri Salaad Xasan Cabdi

Sababta loogu diiday Cali Ameeriko inuu galo magaalada Beladweyne, ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay arimo Siyaasadeed oo Guddoomiyaha Gobolka uu amarkiisa ku sheegay.

“Guddoomiyaha Sababta wuxuu ku sheegay in Cali Ameeriko uu wado arimo siyaasadeed, sidaasi awgeed ayuu yiri aniga uma rabo arimo siyaasadeed Gobolka marka haka noqdo meesha uu joogo.”

C/fataax Xasan Afrax Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa lagu qancin waayay Socdaalka Safiirkii hore ee Somalia dalka Kenya u fadhin jiray Cali Ameeriko inaysan raad ku laheyn arimo siyaasadeed, balse uu yahay Socdaal nabadeed.

“Waxaan isku daynay inaan Guddoomiyaha Gobolka ku qancino Cali Ameeriko inuusan u socon arimo Siyaasadeed balse uu u socdo Socdaal uu ugu magacdaray Socdaalka Nabadda, laakiin Guddoomiyaha waan ku qancin weynay arintaasi.” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi

Safiirkii hore ee Somalia u fadhin jiray dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko, oo ka hadlay sababta loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ayaa nasiibdaro ku tilmaamay isaga oo muwaadin Soomaaliyeed ah in loo diido inuu galo Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here