FADEEXAD Xaruntii Wasaaradda Caafimaadka oo la siiyay Safaarada Qadar, Kaalinta Muungaab, Ogaalka Madaxweyne Xasan, Warbixin

0
54

Xaruntii Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay oo la siiyay Safaarad, sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab iyo Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kala gooni gooni ah u qoray amarka lagu bixiyay xaruntaas.
9Dowladda Qatar oo bixisay inta badan lacagtii doorashada ku galay 2012 kii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud isla markaana saaxiib la ah Faarax C/qaadir Madaxweyne Xasan Sheekh ninka sida aadka ah isugu dhaw yihiin ayaa la siiyay oo lagu wareejiyay xaruntii Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Xarunta Wasaaradda Caafimaadka waxay ahayd hanti qaranka leeyahay marka sidaas darteed in la bixiyo waxay keenaysaa baa la leeyahay dambi sababi kara in Maxkamad lagu soo taago kuwii amarka bixiyay.
Hantida Qaranka ee la siiyay Dowladaha shisheeye waxaa ka mid ah Dugsigii Farsamada ee Buulo Tikniko oo la siiyay Dowladda Turkiga.
Dugsigii Sare ee Yuusuf Al koowneyn iyo Dugsigii Sare ee Badda oo la siiyay Jaamacadda City oo k amid ah Jaamacahada sida gaarka ah loo leeyahay.
Bixinta Xaruntii Wasaaradda Caafimaadka dalka,waxay dhabar jab ku tahay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo la soo sheegayo in bixinta xarunta Wasaaradda Caafimaadka uu ka dambeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Muungaab.
Warar kale ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaraaha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke isna ka war qabo bixinta dhulkaas.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” wax badan kuma qaadanayso inuu bixiyo hanti qaran, sidaas darteed wax ka yar toddobaad ayuu ku bixiyay dhulka Wasaaradda Caafimaadka markii loo keenay qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha iyo haweenayda Wasaaradda Caafimaadka Madaxda ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here