Musuq-maasuqa iyo dadkiisa maxaa isaga eg? khudbadihii Mubarak iyo Xasan Shiikh

0
43

Xildhibaano ku dhaw 100 ayaa qoray oo saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ay ku eedeyeen qodobo aad u culus oo ay ka mid tahay Khiyaano Qaran in u galay taas oo ku muteysan karo in xilka laga xayuubiyo.
8Madaxweynaha oo si deg-deg ah uga jawaabaya Mooshinka markiisa laga keenay ayaa habeenkii Jimcaha soogalayey saxaafadda kula hadley Muqdisho, waxaana uu jeediyey khudbad kooban oo qaadatey 10 daqiiqo, Madaxweynuhu waxa uu diidey in wax su’aalo ah la weydiiyo.

Marka le eego Mooshinka Madaxweynaha laga keenay ayaa ah mid si tifaftiran oo culus loo qoray, isla markaana ay ka muuqato in uu ahaa mid wakhti dheer la geliyey kaas oo ka kooban 9 bog.

Maxaa mooshinka keenay?

Ugu horeyntii waxaa muhim ah in la fahmo Madaxweynaha oo xilkiisa ay ka harsan tahay 12 bilood sababta mooshinka looga keenay? cidda Mooshinka ka keentey waa kuwii shalay kula heshiin jirey in ay la ridaan xukuumadihii hore taas oo dalka ka dhigtey mid fadhiid ah, maxaa is beddalay maanta? Kadib markii si geesinimo leh loogu dhawaaqey in Hiigsiga 2016 uu burburay wax doorasho xor ahna aysan dalka ka dhacayn ayaa xulafooyinkii hore xarigoodu kala furteen, waxaana qolo kasta ku dedaalaysaa sidii ay awoodda ugu soo hari lahaayeen.

Labadii xukuumadood ee Saacid iyo Cabdiweli Shiikh, waxaa Madaxweynhu ku haystey shaqadooda iyo awoodda dastuurku siiyey ee uu ka boobay, Xildhibaanada mooshinka keenay kuwooda ugu codka dheer waxay ahaayeen kuwii ku taageeray Madaxweynaha awood boobka waxaana hadda ka muuqda qodobada ay ku dacweyeen Madaxweynaha, qodobka afaraad waxay u dhigeen sidaan:

4. Laga Billaabo bishii Oktoobar 2012ka, Madaxweynaha wuxuu si maldahan ugu abuurtay Madaxtooyada unug loo yiqiin (Policy Unit) una qaabilsanaa arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo bulshada, kuwaasoo la wareegay awooddii xukuumadda noqdayna talis barbar orda, kana awood batay xukuumaddii Dastuuriga ahayd.

Muddo kordhin?

In badan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanku waxay ku eedaynayaan in Madaxweynaha iyo xukumadihiisi badnaa ay ku fashilmeen ballantii ay qaadeen ee ahayd in ay dalka doorasho gaarsiiyaan, sidaas darteed loo baahan yahay Madaxweyne iyo xukuumad kumeel-gaar ah oo dalka doorasho gaarsiiso, taas oo u gogol xaareysa in ay helaan muddo laba sano ama ka badan oo muddada xilka loogu daro.

Doorashada Damul-jadiid?

Madaxweynaha iyo rooxaantiisa Damul-jadiid waxay doonayaan in hadii Beesha Caalamka ka hortimid wax muddo kororsi ah, in Xildhibanada hadda jiraa meesha ka baxaan, dalkuna galo doorasho ay nooceeda iyagu qoreen, waana ergooyin kumaankun ah oo degmooyinka dalka laga soo xulo, kuwaas oo doorta Baarlamaanka kadibna Baarlamaanku doorto Madaxweynaha, arrintan waxay u arkaan qaabka keliya ee ay awoodda ugu soo noqon karaan mar haddii ay gacanta ku hayaan Galmudug, Hiiraan/Shabeelada Dhexe, Banaadir iyo Gobolada waqooyi oo ergooyinkooda ay awood ku yeelanayaan.

Marka la eego istaraatiijiyadda labada qolo ayaa loogu yeeri karaa “Labadii xaaraan ku heshiiya xalaashey ku diriraan”, waa laba damac oo iska soo horjeeda kaas oo salka ku haya awoodda dalka 2016.

Maah Maah hore oo Soomaaliyeed baa oroneysa;

“…Dha-dhanshaa Waalan, Dhergaana Ka daran…”

Haddii aan dib ugu noqono cinwaanka maqaalka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud waxaa la dhihi karaa waa-cusub ayaa ku baryey, waxaana uu u muuqdaa in uu galayo dagaal siyaasadeed oo aan la garanayn halka uu ku dhamaan doono. Kaas oo uu isagu bilaabey, waqti badana ku bixiyey dagaalka raysalwasaarayaashii uu isagu keensadey.

Marka dib loo raaco taariikhda mooshinadii laga soo abaabuli jirey Madaxtooyada, waxaan ka baraney Xassan Shiikh Maxamuud, in uu Mooshinadiisa daba dhigo haddalo sacabo-tun ah oo ay ka mid ahaayeen: sharcigu ha shaqeeyo, Xildhibaanada haloo daayo shaqadooda, Soomaaliya waa ka gudubtey xiligii ay dibadda isla aadi jirtey? iyada ayaa xalineysa khilaafkeeda baarlamaanka hortiisa ayeyna ku kala baxayaan, hadaladaasi waa kuwii aan ka baraney Madaxweynaha markii u legdo ama rido raysalwasaare, haddaba maanta maxaa is bedalay markii isaga godkiisi biyo ugu galeen, muxuu ku tilmamey kuwii Mooshinka keenay ee isaga ku eedeeyey wixii uu qeyrkiis ku eedeeyay.

Wuxuu jeediyey khudbad maran oo faaruq ah, been iyo faan ka buuxo, waan ka xumahay in aan madaxweynaha BEEN ku sheego laakiin dhegayso marka uu ka hadlaayo shirkii weji-gabaxu ka raacey ee hiigsiga 2016, markaas ayaad garan Beenta khudbadda ku jirtey, waxay ahayd khudbad digasho ah, dagaalna uu iclaamiyey. Khudbadiisa wuxuu ku amaaney Xildhibaanada baarlamaanka ee Mooshinka ka keenay, isla khudbadda wuxuu la hadlay cid aynaan garaneyn oo uu ku sheegay in ay horey siyaasadda ugu soo fashilmeen, kuna eedeeyey in ay iyagu wadaan Mooshinka.

Khudbadda Madaxweyne Xasan isku difaacey waxaan barbar dhigi karnaa Khudbadii 10 Feberaayo 2011 uu jeediyey Madaxweynihii xilka laga tuurey ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak, kadib kacdoonkii Beerta Xoriyadda ka bilowdey, waxaa laga sugayey in uu is casilo kadib markii is-casil loogu baaqey sida Madaxweyne Xasan waxaana Mubarak ku yiri khudbadiisi, anagoo Luuqa English u fasirnay;

Brother citizens, the priority now is to bring back trust between Egyptians, trust in our economy and our international reputation, and trust in protecting the change and movement that we have started from turning back or retreating, waa halki laga sugaayey in uu is-casilo.

Xasan Shiikh wuxuu yiri, Soomaaliya waa dhaqaaqdey, waa guulaysatey dibna uma noqoneyso, dhaqaalihii waa hagaajiney waa nala ku amaaney oo IMF ayaa na amaantey, ciidankii waa dhisney, hub aan leenahay ayey haystaan, maamuladii dalka waa dhisney, koox yar dalka dib uma celin karto yaan baarlamaanka lagu kadsoomin.
Xili la ogyahay in gebi ahaan la jaray dhaqaalihii dowlada lasiin jiray Musuq Maasuq dartiis, dalka Soomaaliyana kaalinta 1aad uga jirto Musuq Maasuqa caalamka, Madaxweynuhu halmar masoo hadal qaadin eedeynta shaqsiyan lagu eedeeyey inuu hanti lunsaday, balse wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dhaqaaqday. “…Dhaqaaqdayee halkee bay u dhaqaaqday?…”

Ciidamada Qaranka oo Mushahar la’aan darteed goobihii dagaalka soo baneeyeen ayuu Madaxweynaha sheegay in xaaladoodu heer sare marayso, dabcan kooxda khudbada Madaxweynaha usoo qortay waa kuwo u baahan in laftooda maxkamad lasoo saaro.

Waa wax lagu yaqaano khudbadaha marin-habaabinta ah qofkasta oo ku xadgudba xukunkii loo dhiibtey, ama uu xoogga ku qabsadey, iyada oo Muqdsiho xabaddu ka dhacayso ayaa Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Siyaad Barre (AUN) Radio Muqdisho ka lahaa “…Baddu waa buuxdaa beeraha fasha maxay tahay dadku gaajada ay sheeganayaan!…”

Sida uu qabo dastuurka kumeel-gaarka ah ee aan la isku raacsaneyn in uuba yahay kii saxda ahaa, madaxweynaha waxaa xilka ka xayuubin kara 180 Xildhibaan, waxaa shaki weyn laga qabaa in Mooshinkan heli doono saddex melood laba meelood Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka.

Balse casharada laga baran karo Dowlada Federaalka (Baarlamaanka & Villa Soomaaliya) ayaa ah in labaduba fashilaad weyn lasoo gudboonaatay, maantana u dagaalamayaan kii ku hari lahaa kursiga, balse qolada kaliya ee khasaartay waa Shacabka iyo Qaranka la oron jiray Soomaaliya, oo aan marna helin Hoggaamiye hiraal iyo aragti fog leh oo ka dhabeeyaa ballantiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here