Axmed Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland, 68 cod ayuu ku guuleystay

0
36

Doorasho qaadatay Wareega koowaad oo kaliya ayaa lagu doortay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Axmed-Madoobe122
74 Xildhibaan oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan ayaa codeynaysa, waxaana 68 Xildhibaan ay codka ugu shubeen Axmed Madoobe, halka Xildhibaanada kalena ay u codeeyeen labo musharax.

Axmed Madoobe wuxuu helay codadka ugu badan doorashada 68 cod.

Musharax Hilowle Aadan ayaa helay 2 cod oo kaliya

Musharax Cusmaan Xuseen Haaji Fayruus ayaa helay labo cod oo kaliya

Labo cod waa ay halaawaan sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland uu ku dhawaaqay, waxaana sidoo kale Guddoonka uu ku dhawaaqay in Axmed Madoobe uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Markii lagu dhawaaqay Axmed Madoobe inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kaliya sacab iyo farxad dadka la qeyliyeen, waa dadkii madasha fadhiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here