MADAXWEYNE XASAN SHEEKH oo ogolaaday ugu dambeyntii inuu shaqada ka eriyo Muungaab, Maxaa hadda socda, Maxayse ka gudbiyeen Muungaab Hay'adaha Turkiga?

0
44

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa go’aansaday inuu shaqada ka eriyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” isagoo haatan ku gudi jira wadatashiyo uu la leeyahay Beelaha Gobolka Banaadir dega iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda kuwaas oo aragtiyo ka dhiibanaya qofka ay la tahay in loo dhiibo hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu cadaadis ka haystaa warbixino laga soo saaray musuq maasuqa Maamulka Gobolka Banaadir iyo sheegashada dhulal fara badan oo qaranka lahaa oo la bixiyay iyo arrimo kale oo Siyaasadeed, sidaas darteed Madaxweynuhu waxaa ka go’an inuu soo afjaro Maamulka Muungaab Madaxda ka yahay.
Hay’adaha Turkiga ee dib u dhiska ka waday Gobolka Banaadir ayaa shaqooyinkooda hakad geliyay iyagoo ka cabanaya Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” .
Cabashada Turkiga waxaa la gaarsiiyay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xafiiska Madaxweynaha.
DSC01982-600x450Mashaariicdii Turkiga ka waday Gobolka Banaadir waxaa ku yimid dib u dhac, haatan wax kala socda ma laha.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmihii ugu dambeeyay wadatashiyo la yeelanayay waxgarad ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa haatan go’aansaday inuu kala diro Maamulka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” .
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhamaadka bishan marka la isku shaandheynayo Golaha Wasiirada in Muungaab uu isna halkaas raaci doono oo Madaxweynuhu soo saari doono wareegto uu ku magacabayo Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here