Korneyl Aadan Rufle oo shaaca ka qaaday in la xir xiray Saraakiishii Ciidamada iyo Maamulkii Gobolka Gedo

0
37

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maxaabiis ay yihiin Saraakiishii Ciidamada Dowladda iyo Maamulkii Gobolka Gedo ka jirayba.
1
Wuxuu sheegay in Masuuliyiinta la xir xiray ay ka mid yihiin Ex Xildhibaan Maxamuud Siyad Aadan, Gudoomiyihii Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax), Gudoomiyihii Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, Ku Xigeenkiisii, Cabdi Barre Cabdi, Taliyihii Qaybta 60-aad Guutada 99-aad, C/laahi Isaaq Cismaan, Taliyihii Saldhiga 43-aad Guutadeeda 1-aad, Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey iyo Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Gobolka Gedo.

Korneyl Aadan Axmed Xersi oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay 4-tii illaa 5-tii bishan in Masuuliyiinta la xir xiray loo sheegay in lala hadashiinaayo Madaxda Maamulka Jubbaland, iyagoo markaasi la geeyay qayb ka mid ah dhulka Itoobiya. Waxayna waayeen xornimadooda, wixii ka dambeeyay 5-tii bishan, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay illaa iyo hadda inaanay garanayn halka ay ku sugan yihiin Masuuliyiintaasi, laakiin ay cadeynayan inay maxaabiis yihiin. Xariga masuuliyiintaasi wuxuu ka dambeeyay niman sheeganaaya buu yiri Urur Goboleedka Igad iyo Saraakiisha Itoobiya ee magaca Amisom dalka ku joogga.

Dhanka kale Korneyl Aadan Rufle, ayaa wuxuu digniin adag u jeediyay Dowladda Itoobiya oo xuduud la leh Gobolka Gedo, isagoona kaga digay inay qaaddo dhabihii ay amni darada ku dhaxashay dalka Kenya. Markii fara-gelin ku soo sameysay Gobolada Jubbooyinka, una kala eexatay dadkii wada dhashay, sida uu yiri.

Waxa kaloo uu ka digay Saraakiisha Ururka Igad waxa ay ka wadaan labada Doolow, waxay saacidayan buu yiri Ururada Xagjirka ah ee argagaxisada, sida Al Shabaab iyo kuwo kaloo daahsoon.

Korneyl Rufle, ayaa qaba haddii dadka lagu khasbo wax aynaan lahayn in markaasi la weyn doono kalsoonidii shacabka, middii derisnimada iyo middii ammaanka, ayna lumeyso masuuliyaddii oo idil.

Aadan Rufle, ayaa ugu dambeen baaq u jeediyay shacabka ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka & Gedo, gaar ahaan bulshada reer Gedo, waxa uuna ugu baaqay in fiiro gaar ihi ay u lahaadan Siyaasiyiinta Degmada Doolow ku sugan, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay cadow kalkaal yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here