Taliyaha Boliiska Soomaaliyed oo xariga ka jaray dhismo cusub iyo kulan uu la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya, Daawo Sawirada

0
33

Munaasabaddan xariga looga jarayay xarun cusub oo ay yeelanayaan ciidamada booliska ee qeybta miino baarista u qaabilsan, waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliska, qeybaha kala dwuan ee ciidanka booliska, saraakiil kale ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo markii xafladaas soo dhamaatay Taliyaha iyo Wasiirka kulan la qaateen Safiirada U fadhida UK Somaliya .
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay in ciidanka booliska qeybta miino baarista u qaabilsan ay qabteen howlo muhiim ah, isla markaana ay yihiin koox uu ku faano taliska ciidanka booliska, ayna joogteynayaan tababar siinta ciidamada kale ee booliska.

“Kooxdan waa kooxda aan is dhihi karo kooxda ugu horeyso ee booliska Soomaaliyeed oo saddexdii qodob ee aas aasiga ahaa isku heysata, waxaana rajeyneynaa in maalinba qeyb ka mid ah booliska aan u tayeyno, oo qalabkii loo siiyo, oo daryeel ay helaan, waxana kaloo rabaa in aan halkaan amaan uga soo jeediyo taliyaha kooxda Gaashaanle dhexe Cabdikariin oo runtii isagu muujiyay hogaamin wanaagsan, kudayo badan ayay noo leedaya, koox waliba iyo hogaan waliba waxaan laga rabaa inay isku duubnaadaan, isla markaana ay fahmaan waajibaadka looga fadhiyo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.
BH0A0996 BH0A1015 BH0A1016 BH0A1018 BH0A1019 BH0A1039 BH0A1040 BH0A1049 BH0A1051 BH0A1057 BH0A1065 BH0A1071 BH0A1075 BH0A1130 BH0A1141 BH0A1146 BH0A1155 (1) BH0A1159 BH0A1166 BH0A1177 BH0A1181 BH0A1205 BH0A1216 BH0A1226 BH0A1234 BH0A1237 BH0A1339 BH0A1341 BH0A1342 BH0A0982

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here