Sawirro: Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo su’aallo ka weydiiyay Taliska AMISOM tacadiyadii ay geysteen

0
33

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aallo lagu weydiinayay Taliska AMISOM kula yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo Guddigu u yeeray Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou, Kuxigeenkiisa iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jeneraal Jonathan Ronu, kuxigeenkiisa iyo saraakiil kale.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise ayaa ugu horeyn waxay xubanaha Guddigu weydiiyeen su’aalo la xiriira qaabka uu u socdo howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, sharciyada ciidammada AMISOM, xadgudubyo lagu eedeeyay in Ciidamada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka oo gaba gabadii kulanka warbaahinta uga warbixiyay ayaa sheegay in la isku afgartay in guddiyo labada dhinac ah loo saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyey ciidamada AMISOM.

Sidoo kale waxaa uu ka mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u aqbaleen u yeeritaankooda, waxaana uu xusay in mar walba ay waajib ka saaran tahay inay la xisaabtamaan Taliska AMISOM iyo Laamaha difaaca dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Maman Sidikou oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin in Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeeraan, isla markaana su’aallo la weydiiyo waxaana uu ballan qaaday dhankooda inay sii wadi doonaan wadashaqeynta ay leeyihiin guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa tacadiyo ka geystay deegaano ka tirsan Gobolada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay dad rayid ah ku dileen, waxaana horay arrintan Xukuumadda ugu saartay Guddi soo baara.
6 1 2 3 4 5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here