Garoonka Kismaayo oo xalay la duqeeyay

0
42

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic Al Shabaab ay xalay ku garaaceen Magaalada Kismaayo, gaar ahan Garoonka diyaaradaha oo ciidanka Amisom fariisin ay ku leeyihiin.
Dhowr madfac ayaa la sheegay in Shabaab ay ku garaaceen Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo, iyadoo madaafiicda kadib dagaal toos ah Shabaabka ay ku qaadeen Garoonkaasi ciidanka ku sugan.

Dadka reer Kismaayo ayaa sheegaya in Magaalada gudaheeda ay ka maqlayeen dhawaqa madaafiicda iyo dagaalka kulul ee xalay ciidamada Shabaab ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Lama oga inta uu la eeg yahay khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi Shabaab ay ku garaaceen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland weli kama aysan hadlin weerarkii xalay iyo madaafiicda intaba.

Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada xarumaha ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay ka joogaan Gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here