Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo guursaday, Daawo Arooska iyo lacagta ku baxday, Sawirada

0
42

Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah shaqsiyaadka ka macaashay dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa guursaday isagoo qarash badan ku bixiyay gabadha uu guursaday oo lagu Magacabo Maka Maxamud Muuse.
Xaflada arooska Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur waxay ka dhacday Hotelkiisa oo lagu magacabo City Palace
Wasiirku wuxuu hotelkiisa ku dhigtay aroos dad fara badan ay iska xaadiriyeen oo lacagta ku baxday warar kala duwan ka soo baxeen, balse la sheegay inay ka badan tahay 200,000 doolar.
Ninkan Siyaasadda soo galay xilligii dalka Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sh Axmed, wixii markaas ka dambeeyay si weyn ayuu uga macaashay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hotelka City Palace .
Cidna kulama xisaabtinto hantida qaranka, waxaana la sheegaa inuu ka awood badan yahay Wasiirkiisa Maaliyadda Mr Fargeeti.
aroos3 aroos2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here