SHARIIF XASAN oo gacantiisa ku soo qoranaya Xubnaha Baarlamaanka, Rajo Beel Cusub

0
88

Baarlamaanka ama Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan laga qabin wax rajo ah oo Maamulka lagu horumarinayo iyadoo ay taasi sabab u tahay soo magacabista Xubnaha Baarlamaanka Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la sheegay inuu isaga soo xulanayo xubnaha Baarlamaanka.
Shariif-hassan-Sh1Mar haddii xubnaha Baarlamaanka ku imaanayan rabitaanka Shariif xasan taasi ma yeelan doonto wax micno ah, waxayna sheekadu noqon doonta mid hal dhinac ku wada kooban.
Maamul aan mucaarad lahayn, ama Gole Baarlamaanka oo isku dheeli tirnayn ama aysan ku wada jirin xubno siyaasadda isku diidan ma yeelanayo miisaan culus oo lagula xisaabtimi doono Madaxweynaha Maamulkaas iyo Golihiisa Wasiirada.
Shariif xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, marka dhinac laga eegana waa keliye taliye sidii doono ka sameysta Maamulka, marka si kale loo dhigana waa nin aan lahayn adkeysi siyaasadeed oo uma dul qaadan karo rag isaga diidan siyaasadiisa inay kala mid ahaadan Baarlamaanka Maamulka.
Shariif Xasan waxaa uu saameyn weyn ku leeyahay odayaasha soo xulaya xubnaha Baarlamaanka, halka doorka Wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya ku leedahay ilaalinta habka loo soo xulayo xubnaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Koonfur galbeed uu yahay mid kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here