Shir lugu soo xulayo baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed oo Baydhabo ka furmay

0
84

Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka furmay shir lagu soo xulayo xildhibaannada baarlamaanka maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Wasiirka_Arrimaha_Gudaha_XFS_660

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa shirkan si rasmi ah maanta u furay,kaaso maanta halka gaaray.

Waxaa la sheegay shirkan inuu socon doona ilaa muddo 30-maalmood ah,waxaana qar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka oo munaasabaddii furitaanka shirkan ka hadlay ay codsadeen in gacan lagu siiyo soo xulidda xubnaha baarlamaanka uu yeelanayo maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo shirka furay waxuu faray odayaasha dhaqan xubnaha baarlamaanka inay ka mid noqdaan haweenka gobolka,marka waxuu ammaanay bushada ku nool gobollada maamul Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Wasiirka iyo mas’uuliyin kale oo safarka ku aheliyay ayaa munaasabadda xilliga ay soo dhammaaday waxuu kulamo gooni-gooni ah la qaateen Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan, iyagoo kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Maamulka.

Maamulka Koonfur-galbeed waxaa xilligan shaqeeya golaha xukuumadda,waxaana dhawaan la filaya in la soo dhameystiro golayaasha maamulka oo u baarlamaanka ugu horreeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here