WAR DEG DEH AH:Xaflad lagu saxiixi doono Dhismaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo daqiiqado kadib ka bilaaban doonto Muqdisho

0
25

Xaflad lagu saxiixi doono heshiis ku saabsan dhismaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa lagu wadaa in daqiiqado kadib ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
breaking-280x175
In kastoo wax faahfaahin ah aan ka helin qaabka iyo nooca uu yeelan doono wadada loo marayo dhismaha Maamul Goboleedkaas Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa haddana sida qorshuhu yahay xaflada waxaa lagu casuumay xubno badan oo ka socda beesha Caalamka, sidoo kalena Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu hadal ka jeediyo xafladaas.
Waxay u badan tahay in lagu dhawaaqo halka lagu qaban lahaa shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe iyo nidaamka loo marayo dhismaha maamulkaas.
Marka la eego maamulada dalka ka jira, waa labada Gobol oo ilaa iyo hadda aysan lahayn Maamul Goboleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here