OGEYSIIS:KULANKA Amb Maxamed Cali Ameeriko iyo Jaaliyadda Soomaalida Holland

0
41

Amb Maxamed Cali Ameeriko Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay kenya isla markaana maalmahan safar ku kala bixinayay Gobolada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 29 ka bishan soo gaaro dalka Holland halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaalida ee degan Holland.

Kulankan dhex maraya Jaaliyadda Soomaalida Holland iyo Safiir Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxaa uu yahay mid Danjiruhu xog kaga siinayo Jaaliyadda xaalada dalka Soomaaliya, qorshaha 2016 ka iyo bal halka ay hadda wax marayaan.
Safiir Ameeriko oo ah nin xog-ogaal ah wax badan ka og xaalada dalka iyo Siyaasadda beesha Caalamka ee ku aadan soomaaliya, waxaana la filayaa inuu warbixin dhinacyo badan ka hadlaya taabto.
Kulanka Safiir Ameeriko iyo Jaaliyadda Soomaalida Holland waxaa uu ka dhacayaa Magaalada Rotterdam, sida aad hoos ka arkaysaan, haddaba yuusan ku dhaafin kulankan haddii aad doonayso inaad wax ka ogaatan xaalada dalka.

KULANKA Amb Maxamed Cali Ameeriko iyo Jaaliyadda Soomaalida Holland
(Xaalada dalkaada iyo 2016 ka maxaa dhacaya wax ka ogaaw
Maalinta Sabtida 29/08/215
Adreska
Putseplein 28
3073 HT Rotterdam

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir 0686394971
5
22

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here