MUUNGAAB oo xoog u adeegsan doono qaxootiga degan Baar Bulsho iyo qaxootiga oo baaq u jeediyay Dowladda Soomaaliyed

0
30

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qorsheynaya inuu xoog kaga saaro qaxooti soomaaliyed oo degan Hotelkii Hore ee Baar Bulsho oo ku dhawaa Madaxtooyada Soomaaliya,sida laga soo xigtay dad ku dhow dhow Qaxootiga iyo Maamulka Gobolka Banaadir dadka qaxootiga halkaas degan waxaa la gaarsiiyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Muungaab oo loogu sheegayo in laga saari doono halkaas iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin meel loo diyaariyay dadkaas in la dejiyo ama dib u dejin loo sameeyo.

MUUNGAAB oo xoog u adeegsan doono qaxootiga degan Baar Bulsho iyo qaxootiga oo baaq u jeediyay Dowladda Soomaaliyed
MUUNGAAB oo xoog u adeegsan doono qaxootiga degan Baar Bulsho iyo qaxootiga oo baaq u jeediyay Dowladda Soomaaliyed

Muungaab ayaa sheegay inuu kala hadlay Baarlamaanka Soomaaliya sidii qaxootigaas meesha looga rari lahaa hase yeeshe waxaa is weydiin mudan Baarlamaan maxaa ka quseeya qaxooti iyadoo ay jirto Wasaarad arrimaha gudaha iyo guddi qaabilsan qaxootiga.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo aan lahayn aqoon Maamul ayaa waxaa isku qalday howshii Baarlamaanka iyo midii Wasaaradda arrimaha gudaha.
Dadka qaxootiga ee degan Baar Bulsho waxa soo food saaray cabsi iyo qalqal uga imaanaya gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxayna ka codsanayaan Dowladda Soomaaliya inay isha ku hayso hab dhaqanka foosha xun ee gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Muungab oo horey qaxootiga uga saaray dad deganaa dhul ku dhawaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sababta dadkaas halkaas loogu saarayna ahayd arrimo dhinaca amaanka ee garoonka ayaa markii dambe dhulkii dadka laga saaray waxaa laga iibiyay ganacsato, halka qeyb ka mid ah dhulkaas la siiyay dad caan ah iyo siyaasiyiin.
Fadeexada dhulkaas waxay saameyn ku yeelatay Mustaqbalka Muungaab oo waxaa keliya la hadal haaya xilligan tahay inuu la camiran yahay waa Muungaab musuq maasuq iyo iibsiga dhulalka.
Qaxootiga degan Baar Bulsho, ma haystaan meel kale oo ay degaan oo loo diyaariyay, waana wax adag in dad la iska yiraahdo halkan ka guura iyadoo loo helin barnaamij dib u dejin ah ama in Dowladda ay siisa dhul kale oo ay degaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here