Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta reer Gedo oo ku heshiiyay Doolow (Sawirro)

0
161

Iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay wada hadalo uga socday degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa wada hadaladaas waxaa maanta laga gaaray heshiis ku saabsan in la soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya siyaasiyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
doolow-heshiis-3 doolow-heshiis-4 doolow-heshiis-5 doolow-heshiis-1 doolow-heshiis-2Wada hadaladan oo ka socday beer ku taal wabi jiinkiisa ayaa waxaa dhinaca Maamulka Jubbaland hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amnig Maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish, Ku xigeenkiisa C/rashiid Xasan C/nuur, Wasiirka caafimaadka Xasan Daahir Yarow iyo guddoomiyaha gobolka Jubbada dhexe C/rashiid Jire Qalinle.

Sidoo kale dhinaca siyaasiyiinta Gobolka Gedo ee horay uga soo horjeeday Maamulka Jubbaland waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Kaliil, Maxamed Yuusuf Aw-libaax, C/raxmaan Axmed Amiin, Maxamuud Sayid Adan, iyo Cabdi Barre Shire

Wadahadalkani waxaa fududeynayey xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku soo biiray wada hadalada, markii laga heshiiyay dhamaan qodobadii wada hadalka oo ay ka mid ahaayeen in is faham laga gaaro arrimaha ka dhex jira labada dhinac, in siyaasiyiinta Gedo ku soo biiraan nidaamka dowliga ah ee ka jira hadda gobolada Jubbaland oo lagu wado dhawaan inay ka hirgasho dowlad Goboleed cusub iyo nidaam dhamaystiran kadib doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhaceysa bishan 15-keeda.

Waxaa si dhamaystiran la isugu waafaqey in loo midoobo cadowga Jubbaland la iskuna raaco dhismaha iyo in dhidibada loo taago dowlad goboleedka Jubbaland ee ay dhisteen shacabweynaha reer Jubbaland oo uu hadda hogaanka u hayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waqtigiisuna ku egyahay 15-ka bishan.

Madaxda iyo siyaasiyiinta uu wada xaajoodku dhexmarey ayaa isla gartey in waxkasta lagu xaliyo wadahadal iyo Isfahan oo aysan dhicin mardanbe in warbaahinta lagu baahiyo hadalo kala jabinaya shacbiga iyo ummada reer Jubbaland ee waqtiga dheer u soo dagaalamey ka dulqaaditaanka cadowga kuna guuleystey in ay dowlad u dhanyihiin dhidibada u taagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here